
Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo lagu weerarray magaalada Muqdisho
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM
Qaraxan oo ayeey goobjoogayaal sheegeen in loo adeegsaday Miino la dhiggay wadada dhinaceeda, waxaana lagu beegay qaraxa xili ay halkaa marayeen ciidamada AMISOM.
ayaa oo mararayay agagaarka Isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho
Dad ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyada laba ruux oo Shacab ah,kuwaas oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha kasoo gaaray ciidamada AMISOM qaraxaasi Miino,waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadu ay joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka wadada isku xirta xaafada Suuqa Xoolaha ilaa iyo Isgoyska Ex-Koontoroo Balcad.
Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaarkood weerarro u badan qaraxyo miino lagula eegtaa wadada isku xirta Ex-kontrol Balcad, SOS illaa suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.
Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo lagu weerarray magaalada Muqdisho
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM