Wasiirro iyo Xildhibaanno ugu baaqay dowladda in ay u gurmato dadka ku dhibaateysan gobolka Gedo

0
Sunday September 29, 2019 - 17:03:18 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro iyo Xildhibaanno ugu baaqay dowladda in ay u gurmato dadka ku dhibaateysan gobolka Gedo

    iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn looga deyrinayay xaalada nolaleed ee dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn looga deyrinayay xaalada nolaleed ee dadka

 ku dhaqan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo, ayaa waxaa arintan baaq ku wajahan dowladda ka soo saaray Wasiirro iyo Xildhibaanno ku shiray Muqdisho.

 

 

 

Waxaa ay sheegeen in dadka ka barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo iyaga iyo xoolahihii u haray intaba u dhimanayaan abaar iyo biyo la’an baahsan soo wajahday, waxaana madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya , hay addaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi ay dhibaatada hayso.

 

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddooda ay qorshooyin u dajiyeen dadka ay saamaysay biyo la’anata .

Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay dabagal kusameeyaan lacagaha loogu talagalay Arrimaha Biyaha dalka kuwaas oo uu tilmaamay in siqaldan loo isticmaalo.

Hadalka Wasiirada iyo Xildhibaanada katirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayaa xilli qaar kamid ah Shacabka ku nool deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ay kabarakaceen Abaaro iyo duqeymo deegaano ka tirsan gobolkaas ka fuliyaan ciidamada Kenya,isla markaana ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip