Dowladda oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay xalay saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

0
Sunday September 29, 2019 - 17:09:02 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay xalay saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in fiidnimadii xalay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in fiidnimadii xalay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-shabaab

ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose

 

 

 

Duqeyntan ayeey sheegtay dowladdu in laga fuliyay duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle kaddib markii ay ciidamada Xoogga dalka ay ka war heleen in ay goobtaas isku urursadeen dagaalyahano Al-Shabaab ah oo doonayey in ay weerarro ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle .

 

 

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Dowladda in duqeyntan lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka badan 20 oo uu ka mid ahaa hoggaamiye ku xigeenka Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Xasan Jiiroow).

 

Taliska ayaa intaa ku daray in Xasan Jiiroow uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta duqeynta la sheegay in lagu dilay saraakiisha iyo horjoogayaasha iyaga ka tirsan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip