
Mareykanka oo War ka soo saaray weerarrkii lagu qaaday saldhigga Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose
oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga Balli-doogle oo fariisin u ah ciidamo iyo tababarayaal Mareykan ah.
"Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Balli-doogle ee gobolka shabeelaha hoose.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Balli-doogle ay ahaayeen kuwo feejigan.
"Ciidanka ayaa ahaa mid fajignaan ka muuqatay waxaa-ayna ku guuleysteen in ay ka hortagaan wareerka fashilmey.”
Mareykanka ayaa weerarkan ku tilmaamay mid muujinaya in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.
Mareykanka oo War ka soo saaray weerarrkii lagu qaaday saldhigga Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose
War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar culus