Dowladda Soomaaliya oo ka digtay in leys hortaago qorshaheeda maamul u sameynta Jubbaland

0
Monday October 07, 2019 - 12:57:58 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka digtay in leys hortaago qorshaheeda maamul u sameynta Jubbaland

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in ley hortaago qorshaheeda ku wajahan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in ley hortaago qorshaheeda ku wajahan

soo xulista xildhibannada iyo doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaddib habraacii doorasho ee xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

 

 

 

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in qorshaha cusub ee soo xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ciddii ka hor timaada ay diidan tahay Nabadda.

 

 

” Cidkaste oo is hortaag ku sameysa qorshaha nabadeynta iyo maamul dhisidda waxaa loo aqoonsan doona Caqabad nabadda hor taagan waxaana lala tiigsan doona Sharciga” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sababay in dowladda Soomaaliya ay xayiraad saarto Magaalada Kismaayo, taasoo ay kala kulantay falcelin aan wanaagseyn oo bulshada kaga timid.

Warkan ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo looga diyaargaroobayo munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip