HADALKII BOOBE KA YIDHI BUUGGIISA "DHARAARAA INA SOO MARAY": Q. 1-AAD.

0
Sunday December 29, 2019 - 14:14:02 in by abdirizak saleban
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADALKII BOOBE KA YIDHI BUUGGIISA "DHARAARAA INA SOO MARAY": Q. 1-AAD.

    "Asalaamu calaykum, waraxmatullaahi, wa'barakaatu. Waxan aad idiinka mahadcelinayaa sidaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Asalaamu calaykum, waraxmatullaahi, wa'barakaatu. Waxan aad idiinka mahadcelinayaa sidaad

 iigu soo hurteen wakhtigiina qaaliga ah, idinkoo Hargaysa mugweyn ka yimid, oo Xasan-Dayax baan garanayaa, iyo rag kaloo badan oon ogahay meelaha ay ka yimaaddeen; waad ku mahadsantihiin. Gaarriyaa "deellay" diisii waxa ku jiratay markuu bilaabayay "Deellaydu waa kaw" Hadraawi baa daalacan ku soo galay, "Digba waa digteedee, Deellaydu waa laba" dhawr tiim markay soo galeen ayuu Cabdi Iidaan soo galay--oo yidhi, "Digba waa digteedee, Deellaydu tiro ma leh" Dee anna caawa waxan leeyahay: "Marba waa markeedee, Mahad Eebbe tiro ma leh"

Iyadoo Dirir uu ka sheekeeyay, oo Dirir iyo Naasir idiinka sheekeeyeen, wax yarbaan ka odhanayaa, inyar oo arara baa iiga horraynaysa e, waxba yaan laga xumaanin haddii aan soo hadal qaadno halgankii. Yaan laga xumaanin in la sheego in halkan uu dagaal ka dhacay; waayo wuu ka dhacay, mid foolxun baa ka dhacay, mid dadnimo ka baxabaa ka dhacay. Alle naxariistii janno ha siiyo e Raage Ugaas nin la odhan jiray, oo gabyi jiray, ayaa wuxu qabi jiray islaan Barni la yidhaa, Barni baa dhimatay, cidina Barni kamay dilin Raagee tii Illaahay baa u timid, dabadeedna wuu seexan kari waayay Raage, dabadeed na gabay ayuu tiriyay.... "Xalay kololo'aygii ma ladin, kaamil reeruhuye/ Kub miyaan ka jabay biixi aan, kabanyo loo haynnin/ Kob abaara oo dhexe miyaa, koore ila meeray" Halkaas ayuu la maray Barni, dabadeedna ilaa iminka waa la xusuustaa. Cali Jaamac Haabiil baad garanaysaan markuu Xirsi dhintay "Gabbal baa u dumay reerihii, geliga booc yiil/ Geeridii Xirsay sheegayeen, gacal ha waayeen"

Bal haddaba waxad ka warrantaan, Hargaysa daas oo gacan aan naxariis lahayni intay Madfac, iyo BKM u qaaday aanay cidi ka hadhin, qofka iminka yidhaahda 'Yaan la soo qaadin'. Aniga markii iigu horraysay taariikhdayda, in badan ayaad maqasheen anoo meelahaas ka hadlaya, in badan baanad i aragteen, caawaa ii kaw ah in xaaskaygii (Mujaahidad Faadumo isoo raacdo waa ii kaw, iyo carruurtii aan awawga u ahaa) awal keligay uunbaa iska socon jiray, laakiin waxay dareemayaan wixii ay soo mareen bay dareemayaan. Aniga carruurtayda; Cv-ga iiguma jirto in carruurtaydu Hargaysa ku dhalatay, Qaaxo iyo ....(Meel dibadda ah oo magaceedii i dhaafay weeyaan halkaas bannaani) Ayay ku dhasheen, markaas xanuunkaas ayuu lahaa halganku, maraas iyadoon cidna lagu xumaynayn, waa la soo qaadayaa, waana ta aan iminka ka sheekaynaayay, ilmihii yaraa ee halkaas iminka ka qaylqaylinaayay awaw baan u ahay; kuwaas uunbaan u baqayaa wixii aannu soo marnay, kabihii aannu soo barkannay in aanay soo barkan.

Hadraawi baa 2004-tii mar uu Akadamiga noogu yimid oo suugaanta iyo wanaaggeeda uu ka sheekaynaayay ayaa wuxu soo qaaday bayd uu lahaa Alle haw naxariistee Sayid Maxamed Cabdille Xasan, (Darwiishkii hubaysnaa) Sayidku isaga oo suugaanta ka hadlaaya wanaaggeeda ayaa wuxu yidhi: "Haddii aanay luulidu taxnayn, labacu waa been" Luuli iyo Labac, Luuli suugaan habdhis leh, oo duluc leh, iyo Labac, wax aan waarayn. Hadraawi maalintaa Labaca wuxu iigu sheegay 'Badaashi' wax ay dumarku isku qurxin jireen oo markaaba maydhmi jiray 'Qosol-ku-jab' bay odhan jireen, markaa waa iska qosol ku jab.

Cabdillaahi Suldaan baa malaha 50-sanno ka dib is yidhi suugaantii ka sheekeeyoo, markaasaa wuxu yidhi: "Labeen mid aan lahayn wiilalbaa, lula Xuseenaw/ Lis buu se gabaygu kala leeyahay, leex aan kaa degin" isaguna wuxu soo qaaday Lis iyo Leex. Buuggan caawa idin horyaalla maaha mid aan anigu ku faanayo e, waa gaylan wadareed oo halgankii hubaysnaa ee Siyaasiga ahaa, ee shacbiga ahaa, ee dib-uxoraynta dhalay, ee SNM horseedka ka ahayd ayuu ka sheekaynayaa. Waa laydiin sheegay, afar geeddiyoo hore ayuu buuggu ka bilaabmayaa, oo tix iyo tiraabba ah, oo waa 'Goblan iyo Guryo-Samo' (Intaan Ingiriisku iman) dabeedna 'Gol-Janno' saddex masraxiyadood oo ku jiray, oo 'Gudcur, Gurrac iyo Guray oo Maxamed Siyaad Barre ahaa ayuu ka sheekaynayaa. Halkaa Guray baan ka qaadayaa Af-genbigii, dabeedna SNM baa ka dhalatay. Sidaas buu buuggu ku bilaabmayaa, dabeedna SNM sidii ay ku dhalatay, magaaladii kuuwaad 80-kii 81-kii. Anigu SNM ta dareen baan u aqaanaa, u kala gudbayay dhawr meelood oo saddex xagal noqonaya, Ingiriiska ama Yurub, Khaliijka oo Jabuuti xuddun u ahayd, gobolladii waqooyi iyo Muqdisho, inaas dareen iskaga gudbaayay oo telefon iyo war ku kala baxaayay, lana lahaa 'Sidee baynnu wax iskaga dhicinaa?' ayay SNM ka dhalatay, dhismihii SNM baa ku xigga, dabeedna wixii ay xeerar lahayd.

Qaar baa anigaygan markay i arkaan iska odhanaya 'waa SNM tiiyoo..' waar SNM tii iminka ma jirto, markaas bay jirtay. Anigu waan ahaan jiray, SNM baan ahaan jiray, Maxamed Kaahin baa ahaan jiray, C/Raxmaan Aw-Cali baa ahaan jiray, Muuse Biixi baa ahaa, Siiraanyaa ahaa, laakiin dee iminka maaha, waayo urur buu ahaa, barnaamij siyaasiyabuu lahaa oo lagu shaqayn jiray, dastuur buu lahaabaa la wada raacaayay, markaa SNM.... Waxyaabaha ugu badan eed ugu jeceshihiin waxa ka mid ah, is-qabqabsiga SNM, ayaad aad ugu celcelisaan. Markaad qaylaysaan, 'waa kuwiiyoo, weli way is haystaannoo' ayaad tidhaahdaan, haddana taariikhdaa is-haysadka ma garanaysaan! Haddana is-haysadku in kastuu dhacay, haddana wax dhibaato ah annaka nagumuu hayn jirin, oo maydaan maqal berigii aannu soo gelaynay 1988-kii, SNM baa laba u kala jabtay, laba ayay u kala dhaqaaqday, saddex bay noqotay iyo wax caynkaas ah, maydaan maqal. ......"

La soco qaybta danbe ee hadalkii "Boobe"

Boobe Y. Ducaale-Qoraa iyo ururiye taariikheed, kuna suntan qoraallada mahadhooyinkii SNM, iyo buug kale oo badan. Siyaasi, iyo waliba saxafi, ahna qoraaga buugta: Dhaxalreeb, 1-2, Tima-Cadde, ikkb, 27-12-2019-na soo bandhiggay 'Dharaaraa ina Soo maray-

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi

Hargaysa, Mansor Hotel, 27-12-019, Jimce.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip