Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay dagaal ka dhacay Qooqaani

0
Wednesday February 19, 2020 - 12:41:00 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay dagaal ka dhacay Qooqaani

    Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay iskahorimaad ku dhex maray ciidamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay iskahorimaad ku dhex maray ciidamo

 ku sii jeeday magaalada Dhoobley iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan.

Saraakiil ka tiran ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley uu dagaal adag la galay dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka deegaanka Qooqaani.

Dagaalka ayuu maamulka Jubbaland ku sheegtay inay ku dileen siddeed ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab halka labo ka mid ah ciidamadoodana ay ku geeriyoodeen.

Hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in iskahorimaadka ka hor lagu qarxiyay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada Jubbaland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip