Dhul-Gariir Ka Dhacay Turkiga Oo Galaaftay Ugu Yaraan Nafaha 8 Qof Halka Ay Ku Dhaawacmeen In Kabadan 21 Qof.

0
Sunday February 23, 2020 - 13:18:14 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhul-Gariir Ka Dhacay Turkiga Oo Galaaftay Ugu Yaraan Nafaha 8 Qof Halka Ay Ku Dhaawacmeen In Kabadan 21 Qof.

    Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeryooday halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 21 dhul-gariir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeryooday halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 21 dhul-gariir

ka dhacay dalka Turkiga gaar ahaan gobolka Van oo dhaca xuduuddda uu Turkigu la wadaago Iiraan sida uu warbaahinta u sheegay Sulaymaan Soylu wasiirka arrimaha gudaha Turkigu.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, ayaa sheegay in dadka dhintay ay kamid ahaayeen saddex carruur ah iyadoo ay ku burbureen dhismeyaal kor u dhaafaya kun dhisme.


Kooxaha samata-bixinta iyo kuwa gurmadka degdeg ah, ayaa wada badbaadinta dadka ay dhismeyaashu kusoo dumeen iyo dadka uu saameeyay, iyadoo cabbirka dhul-gariirkan lagu qiyaasay 5.7 cabbirka lagu qiyaaso dhul-gariirrada.

Warbaahinta Turkiga ee TRT World, ayaa sheegtay inuu dhul-gariirkani saamayay 43 tuulo, iyadoo ay Iiraaniyiintu sheegeen in kooxo gurmad loo diray si ay uga qayb-qaataan hawsha.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu dhul-gariir ka dhaco dalka Turkiga .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip