Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu qabtay bandhiga carwada gaadiidka

0
Thursday February 27, 2020 - 15:08:24 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu qabtay bandhiga carwada gaadiidka

    Soomaaliya ayaa markii uu horeysay lagu qabtay bandhiga carwada gaadiidka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya ayaa markii uu horeysay lagu qabtay bandhiga carwada gaadiidka,  si loo dhiirri galiyo shirkaddaha ku howlan ganacsiga gaadiidka.

Maxamed Cabdi Duraan oo ah agaasimaha shirkadda soo qaban qaabisay bandhigaan ayaa sheegay in bandhigaan uu ahaandoono mid qaran oo sanad kasta la qabandoono.

Wuxuu sheegay Bandhigaan in uu qeyb ka qaadandoono in uu dhiirri galin u noqdo shirkaddaha dalka ku sameeya qalabka gaadiidka, kuwaas oo helidoona suuq ay kusoo bandhigaan wax soosaarkooda ganacsi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Ibraahim Mahad alle ayaa bandhigaan ku tilmaamay isbedel weyn oo kusoo saa’iday Soomaaliya, uuna aamisan yahay in uu ka qeyb ka qaadanayo horumarka ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Oomar ayaa sheegay marnaba inaan la filayn in Soomaaliya lagu qabto bandhig nuucaan oo kale ah.

Wasiirku wuxuu ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgalisay in waddanka la keeno gaadiid cusub oo aan horey loo isticmaalin, taasoo uu sheegay inay muujinayso bisaylka ganacsatada Soomaliyeed oo aaminay dalkooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip