Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyada caalamiga ah

0
Monday March 16, 2020 - 16:57:53 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyada caalamiga ah

    Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar ayaa maanta shaacisay in Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar ayaa maanta shaacisay in Soomaaliya
 soo gaaray kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Coranavirus, iyadoo sheegtay in laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ku jiray xaalad karantiil ah.

Markii uu warkaan soo baxay, raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah isagu yeeray golaha wasiiradda Soomaaliya, wuxuuna amray in la joojiyo guud ahaanba duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya imaan jiray.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo talefishinka qaranka kasoo muuqday isaga iyo wasiirka caafimaadka, ayaa wuxuu sheegay inuu amarkaan dhaqan gelidoono 19-ka bishaan march.

"Laga billaabo dhamaadka maalinta 18-03-2020 ama 18-03-2020 11:59 PM waxaa muddo 15 cisho ah la hakiyay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah (Rakaab iyo Xamuul) ee soo galaya ama ka baxaya waddanka,” ayuu yidhi wasiir Oomaar

Wasiirku wuxuu sheegay in xayiraadaan ay socondoonto muddo 15 cisho, balse wuxuu sheegay in aysan kamid ahayn duulimaadyada arimaha gargaarka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip