Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada dalka

0
Wednesday March 18, 2020 - 16:26:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada dalka

    Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in la xiro dhamaanba Goobaha Waxbarashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in la xiro dhamaanba Goobaha Waxbarashada

oo ay ku jiraan Jaamacadaha mudo ku dhan 15 cisho si looga hortago faafista cudurka Coronavirus.

 

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa go’aanka ku dhawaaqay isaga oo dhanka kale sheegay in la joojiyay Shirarka, Isku –soo baxyada iyo waliba goobaha dadku ku kulmaan oo dhamaanba qeyb-weyn ka qaadanaya xakameynta cudurka.

 

Wuxuu intaa ku darray in Dowladdu meel gaar ah dhigtay $5 Milyan oo dollar oo loogu tala-galay in wax looga qabto caabuqa COVID- 19 oo la sheegay Soomaaliya in ilaa iyo hadda laga helay qof kaliya oo qaba cudurkan.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip