Dowladda federalka Soomaaliya oo ku guulaystay inuu dhaqan galo go'aankii lagu joojiyay duulimaadyada caalamiga ah

0
Friday March 20, 2020 - 20:55:24 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda federalka Soomaaliya oo ku guulaystay inuu dhaqan galo go'aankii lagu joojiyay duulimaadyada caalamiga ah

    Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go'aan dowladda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go'aan dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus.

Maanta iyo shalayba, midnaba garoomada ugu waaweyn Soomaaliya ee ku kala yaala magaalooyinka, Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Bosaso iyo Garowe kama degin wax duulimaad caalami ah.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa shalay dib hawadeeda uga celisay diyaaraddaFlydubai (FZ661)oo isku dayday inay ka degto magaalada Hargeysa islamarkaana ay jebiso go’aankii qaran ee kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale saamayntooda la dareemay diyaaradihii Qaadka ee ka imaan jiray magaalada Nairobi, waxaana shalay iyo maantayba laga waayay suuqyada Soomaaliya Qaadkii Miirowga ee ka imaan jiray Kenya, inkastoo uu bedelay mid ka yimaada Ethiopia oo la yiraahdo Hareeri.

Hakinta duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii socondoona illaa muddo 15 cishe ah.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip