Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose

0
Sunday March 22, 2020 - 19:15:27 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose

    Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hawlgallo ciidan oo ay mudooyinkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hawlgallo ciidan oo ay mudooyinkii

lasoo dhaafay ka wadeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Ururka Alshabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu qabtay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose oo magaciisa ay ku sheegeen Xasan Suuley oo loo yaqaan Xasan Ganey.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee Dawlada u sheegay in Sarkaalkan lagu soo qabtay, isaga oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Janaale.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay xoogeysatay wada shaqeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, isla markaana ay taas suura gelisay inay ku guuleystaan la wareegida Amniga Janaale iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip