SAFARKII HAWDKA Q. 2-AAD. ----------------------------------------------

0
Thursday April 23, 2020 - 14:21:58 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAFARKII HAWDKA Q. 2-AAD. ----------------------------------------------

    Cirka oo shelladan, jawiga oo qurxoon, dhulka oo rays iyo neecaw carfaaya, dharabka oo dhiroonta cagaarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cirka oo shelladan, jawiga oo qurxoon, dhulka oo rays iyo neecaw carfaaya, dharabka oo dhiroonta cagaarka


ah rusheeyay ayaannu ka dhex toosnay bilcil iyo galool hawray dhexdod. Cida kala duwan ee shinbiraha iyo xoolaha, yuuska nirgaha iyo dunuunuca geela ayaa dhegtayadu maqlaysaa. Qiiqa qori ardaaga iyo xaabada ee ololku weheliyo ayaannu ku il-doogsanaynaa. Shaaha durbadiiba la beleliy oo bislaaday ayaannu laabta ku diirinay. Kimista subagga sixinka ah lagu iidaamay iyo wixii eebbe noo calfay haddaannu ka timbannay, ayaannu talo u shawrnay. "Abwaan ma tuulaha ayaynnu qaad u doonanaa oo kaymaheenan ayaynnu wax iskaga duubanaa, mise tuulaha laftiisa ayaynnu u baxnaa oo xaggaas ayaynnu wax ku duubanaa?” haddii aannu weyddiinay abwaan Cismaan. "Tuulaha inna geeya, xaggaas ayaynnu rag kale oo suugaanta iyo sooyaalkana haya aynnu ka helaynaaye” ayuu ku jawaabay.

Soo dhaqaajinnay. Gufays oo in door ah noo jirtay nimid. Wali waa iska subax hore oo tuuladu ma toosin. Wax yar haddii aannu joogjoognay, oo aannu weyddiinay xilliga uu qaadku imanaayo, ayay noo sheegeen in nabar la dhawraayo. Sidaasi haddii ay dhacday ayaannu gudddoonsannay in aannu gaadhiga jaadkaba jidkiisa kaga hor tago, haddii aannu helnana caleenta ka sii gadanno, haddii kalana Kaam Xasan oo in gaaban jira aannu u sii dhaafno. Nasiib wanaag gaadhigii jaadka ayaannu jidka ka helnay. Dhawr marduuf oo qaad ah ka sii qaadanay. "Kaam Xasan inna geeya, abwaan Aadan Xariir ayaa jooga e” ayuu abwaan Cismaan na yidhi. Kaam Xasan nimid. Haddii aannu abwaankii Aadan toyanayna , in uu gurigiisa oo tuulaha ka baxsan xilligan hurdo naloo sheeg. Abwaan Cismaan, Mawliid iyo Cabdinuur inta aannu tuuladii kaga tagnay, ayaa aniga iyo Cabdillaahi mataan iyo wiil tuulada nalaga raaciyay aannu gurigii aadan ku dhaqaajinnay.

Nasiib wanaag helnay. Wiilkii inta uu noo toosiyay, abwaan Aadanna noo soo kac. Quraacay. Kolkii uu noo yimidna arrimihii aannu u soconnay horba taabsiinnay. Na soo raac. Tuuladii inta aannu nimid, abwaan Cismaan oo sii yar xanuunsaday soo gaadhnay. Alle mahaddii abwaankii ladnaa. Gelin haddii aannu yar joogjoognay, odayaashiina aannu jabanaha u qaybinay, ayaannu tuulada gees uga baxnayoo, abwaan Aadan iyo Cismaan ba warka deeqsiinay. Naga aqble. "Gurigaygaas ayaa shanqadh yare, halkaas aynnu iskana fadhiisanno, waxna idiinku duubno” ayuu Aadan soo jeediyay. ‘Hawraarsan’ ugu jiibinnay anana.

Geedo waaweyn oo iskudhoon ah, oo inta hoosta laga qoray, ood sigibtiranna dhulka loogu qotomiyay lagu wareejiyay ayaannu hoostooda goglanay. Si wanaagsan haddii aannu u fadhiisannay, ragguna jaadka ku qaybsaday, ayay na weyddiiyeen, "Oo idinku ma qayilaysaan miyaa?!” "Haa” ayaannu hal mar ku jawaabnay. Yaab badan ka dib sheekada iska furannay. Tiiyoo inta xaaskii Aadan shaaha na deeqsiisay, jawiga aannu fadhinaana uu haasaawe qurxoon abuuraayo, ayuu roob mayay ahi barta na saaray. Inta aannu gogoshii iyo qaadkiiba laabanay, u hollanay in aannu aqalka ka galno roobka. Nasiib wanaag se wax yarba haddii dhibicdu nagu yoontay waa ay naga qaaday. Dhulkii oo carfi kala lehna fadhiisannay oo sheekada halkii ka anba qaadnay. Dhawr cawood iyo tiirsiga ayaannu isku kala bixinaye, anigaa ragga u sokeeya. Goobo iska soo horjeed ah ayaannu u fadhinaaye, bidixdayda waxa fadhiya Cabdinuur Carab, waxa ku xiga Maxmed Gaaxnuug Cali, waxa ku sii xiga abwaan Cismaan Roob-da’ay, waxa ku xiga Cabdillaahi mataan, Mawliid ayaa ku sii xiga. Goobada soo wareeggeedu kolka uu dhammaado, ninka igu soo toosan ee safku marna ku dhammaado marna ka bilawdaana waa Aadan Xariir. Halkii ayaannu "Jaba” da gurnay in door ah.

Intaas ka dib waxa aannu gudo galnay waraysigayagii. Abwaan Cismaan ayaannu ku horraynaye, suugaan aad u tiro badan oo uu leeyahay ayaannu ka duubnay. Gabayadiisii caanka ahaa ee aannu ka duubnay waxa ka mid ahaa:

"Cadkaygalaw ha odhan yaan dibnaha, beentu ku caddayne”

Gabayga meeriskaasi dhextaalka u ahaa ayaa kolkii uu dhammeeyay aan ku idhi; "Safarkayaga dhanba halkaas gabay haddii lagu qiimeeyo ayaaba ka badan”. Naanaysta "Roob-da’ay” sida ay ku baxday ayaannu ka toyanaye, waxa uu noogu sheegay; "Nimanyahaw aroosyada kolka aan ka gabyaayo, ayaa kolka aan gabayga dhammeeyo ay dadku odhan jireen ‘waar ma roobbaa innaga qaaday?’ markaas halkaas ayuunbay ka timid naanaystaasi”. Alaylahee annaka ayaaba taas maraggeeda noqonayoo, kolka uu dhammeeyay gabaygiisii "Dhalanteed” ayaannu hal mar nidhi "Alaylahee; waar ma jir baa innaga qaaday?!” gabaygan dhalanteed nin reer Hargaysa ah oo yar xanuunsanaaya ayaa in badan dadku ku barteene, waa gabayga ay meerisyadiisa ka mid ahaayeen:

"Dhoomaha Isaaq eenu nahay, waa wax dhumuc weyne
Ninka yidhi, 'dhulkoodaan ka rari', wayla dhalanteed
Ninka dhagax dixeedkiyo casaha, dhan iska soo taagay
Ee yidhi dhirbaaxaan ku jabin, wayla dhalanteed
Baddanoo ilaahay dhigay, dhidibkana u aasay
Ninka yidhi buraashaan ku dhuri, wayla dhalanteed”

Gabaygan oo ah illaa saddex boqol oo meeris, ayaa kolkii uu dhammeeyay aannu yar nasinnay abwaanka. Abwaanku gabayga waxa uu tiriyay 1984-kii, kaas oo kaga falcelinaayay weedhii waayadaas caanka noqotay ee, "Dabargoynta Isaaq” waa sida abwaanku noo sheegaye. Dhawr tixood oo kale, oo qaarna ay Aadan Xariir is dhaafsadeen, qaarna sidooda u madax bannaanaayeeyn ayuu abwaanku noo duubay. Waxa kale oo qiimo lahayd tix ku saabsanayd shirkii (S.N.M) ee Balligubadle ka dhacay, taas oo ay dheerayd tixo kale oo mar lagu yidhi ‘Cismaan gabayii wuu ka guuray’ uu dhoollatus culus ku sameeyay. Aadan Xariir ayaannu u wareegnay haddana. Gabayo qiimo leh oo qaarkood dhacdadii geelii "Goobaale” ku saabsanaayeen, qaar kalana waayaha adduunka ay ka warramayeen iyo taariikh nololeedkiisii ayaannu ka duubnay. Waxa kale oo yaab lahaa, raggaas Hawdka iska joogaa tixaha qaar ay is dhaafsanayeen badaha ay ka abuurnaayeen. Sida badda "Maydhaxda”. Taas oo aan ka xusuusto:

"Aadanaw la’diyo
Sida laamka dhigan
Sirtu liifad bay
Ku liqaansantahay”

Waraysigaasi haddii uu noo dhammaaday, ayaannu xagga iyo tuulihii Kaam Xasan u soo dhaqaaqnay. Abwaan Cismaan xagga iyo Gufays ayuu u lugeeyay, Aadan iyo saaxiibkiina tuuladii ayaannu keennay. Sidaas ayaana aannu kaga soo anbabaxnay Kaam Xasan iyo Gufays ba goor casar dheere ah.

Jihada koonfureed haddii aannu isku cayntaarinnay, ayaannu jid dheer oo illaa Ramaso gala ayaannu taayirka ku dhiibinnay. Inta aannu jidkaas sii haynay, waa markii koowaad ee aannu aragno meel bilaa roob ah oo siigo daaqadaha nooga soo gasho. Gelin haddii aannu sii taxaashaynay, ayaa galab gaabadkii inta aanaan Ramaso soo gelin, aannu soo gaadhnay dhul roobku maansheyay oo Eebbe nimco ku maraq-furay. Lafaha Ramaso ee dhagaxa adaadaxa ah ee casaanka iyo madawga leh, ciidda niis cadka xigta iyo kaymaha duudda ah haddii aannu soo gaadhnay, ayay ishayadu ka bogatay quruxda iyo bilicda deegaanka, oo geela koorinaya iyo raysimaha xasilay ay intaas dheeryihiin. Geed qudhac ah oo weyn, oo wakhtigii qaxoontiyada in sheekh Cismaan Laangadhe uu madarisad ku haysan jiray naloo sheegay ayaannu soo hoos marnay. Dhallinyaro garoonka kuubad ku ciyaaraysa ayaannu qaarkood garanayoo, halkii aannu salaan gaaban iyo kaftan kooban ku wadaagnay. Magaaladii Ramaso oo aad quruxda yaabto soo galnay. "Aw Cali abwaanka la yidhaahdo ma haysaan?” nidhi. "Dibigii ayuu ku maqanyahay noogu jawaabe”. Halkii ka shaahaynay in door ahna joognay.

Bacda maqrib ka anbabaxnay magaaladii Ramaso. In door ah haddii aannu sii soconay, ayaannu is weyydiinay, ‘waar ma Dibigii ayaynnu tagnaa, mise ninkii Sheekh Yoonis la innoogu sheegaayay ayaynnu ku horraynaa?’ Taas danbe isla qaadanay. Waddada tagta Darroor na cagta saarnay. Inyar haddii aannu sii soconay, hobos naga yar liigaayay eegnay. Qoodh iyo xero saliiddii waa daadinayaa. Ramaso ku soo noqonay si aannu uga sancanno. Gaadhigii hagajisannay, cashaynay, 8:00 fiidnimana ka anbabaxnay Ramaso. Maa aannu sii joogjoogine, Shabeelle iyo Aar-joog oo nimcadiisa Eebbe ku galladay sii dhex jiidhnay. 10:00 cawasynimo oo gaw ah magaaladii Darroor is dhex taagnay. Dhulku waa roobanyahay oo meel waliba waa qajaje, cirkuna waa giblanyahay oo daruuraa ku shalledan. Gelin joogjoog yar. Anigu ila meeraysadaas ka xanaaqay oo albeerko iska seexday. Labadii nin ee kale iyo Caaqilkiina kaymo magaalada ka durugsan u dabjeexe, halkaas la isma ogayne, nin waliba Eebbihii ku mahadi.

Maxaa xigi doona?

La soco qaybta saddexaad.
W/Q: Cabdikariim Xikmaawi
Jimce, Kaam Xasan illaa Darroor.
Bahda Qalin-Soor.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip