JIN IYO JACAYL. Q, 3-AAD.

0
Wednesday May 13, 2020 - 19:24:21 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JIN IYO JACAYL. Q, 3-AAD.

    Intii aanan gaadhin guriga ayey haddana dhawr mar isoo wacday. Waxa ka muuqda dagdag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii aanan gaadhin guriga ayey haddana dhawr mar isoo wacday. Waxa ka muuqda dagdag


iyo in ay tahay qof meel u socda, qudhaydu se waan xiisaynayey inaan la hadlo markan. Ka qabtay Mobilekii. "Hello, walaal wali maanad gaadhin gurigii?" Ayay i weyddiisay. "Mayee ila hadal waa caadiye, kaligay baan ahaye" ayaan ugu jawaabay. Noo bilaaban hadalki. Daaqadda guriga hoostiisa oo xagga dibadda ah ayaan fadhiistay, waxa aannu wada hadlaynay ku dhawaad 4 saacadood haddaanay ka badnayn.

Habeenkani gabi ahaanba wuu ka duwanaa mararkii hore ee aan wada hadlaynay, sababtoo ah waxay iiga warrantay sheekooyin qalbiga taabanaya. Waxay iiga sheekaysay arrimo igu sababay anoo markii horeba dhankeeda u sii janjeedhay; inaan u sii dhawaado. Waa gabadh hadda 17 tahay da'deedu. 13 carruur ah ayay ugu yartahay. Hadda Hargeysa ay la joogto Habaryarteed, waxaana loona keenay magaalada cilaaj!! Wadaad qur'aan ku akhriya ayaa todobaadkiiba 4 cisho loo geeyaa. Siday ii sheegtay, inanta waxa laga cilaajiyaa 'il' ku dhacday intii ay Norway joogtay. Hadda in aad caafimaadkeedu u wacanyahayna ii raacisay. Iyadoo aad codkeeda ka dareemayso dareen aad u shucuuraysan ayay igu tidhi, "Wadaadka aan u tagaa si gaar ah ayuu dawadayda ugu sheegay aniga iyo Habaryartay!!" Inta aan naxay ayaan ku idhi, "Muxuu idiinku sheegay walaal?" Wuxuu yidhi, "marka aad guursato waad bogsanaysaa ee guurso" Kute!!

Intaas kolka ay i tidhi, ayaan naxdin la qaboobay!! Wali way ii waddaa sheekada. Waan ka gurayaa--saa wax aan anigu idhaahdaaba ma jiraan: wali iyadaa ii warramaysa. Iyadoo sheekooyinkay iiga sheekaynayso iyo shucuurta hadalkeeda ku ladhani ay maanka ka guuxayaan, ayaa baytarigii mobilekaygu digniin bilaabay. Dhawr mar ayuu iiga digay in uu damaayo. Dareentay oo tidhi, "Mobilekaagu ma bilaa dabbaa?". Eegay, mise 6% ayuu dabku sii socdaa. Ugu jawaabay, "Haa walaal; dabkaa dhacaya". Si naxariis leh ayay iigu tidhi, "Axmednuur waxan rabaa inaan kula hadlo e, Mobileka soo dabee". "Hawraarsan walaal--ee i sug" ayaan ugu jawaabay. Soo kacay, waxa aan soo galay qolkaygii anoo wali la hadlaya. Fiishtii/baraysadii iyo xadhiggii mobileka ayaan soo qaaday. Dam.. eegay Mobilekii, ala Ka daa lahaydee ha damine! Dabka galiyay. Si degdeg ah u shiday. Markii uu sidaa usoo kacayba way isoo wacday! Nasiib daro ma hayo "Airphones", xadhiga chargerkuna aad ayuu u gaabanaa. Ka qabtay Mobilekii intaan fiishtii kor u soo qaaday, waxa aanan u sheegay inay i sugto inta waxoogaa dab ahi ku dhacayo Mobileka. "Haye" iigu jawaabtay, ka dib waan dhigay.

Naftaydii ayaan la shawrayaa. Sheekooyinkay iiga sheekaynaysay iyo waxay igu lahayd ayaa igu soo laba noqonaaya. Ma cashayn. Dhaygag ayaan la gaafwareegayaa. Waxyaabo badan ayay naftaydu intay maqnayd is weyddiinaysaa. Waxa aan ka fikirayaa waxa ay uga socoto hadalkan illaa fiidkii ay igu dhurayso!! Waxa aan ka werwersanahay danta ay iga yeelan doonto. Mobilekii kolkuu dab yari iigu dhacay, ayaa ma sugi karo e aan ku celiyey inantii. Waa diyaar! Ilbidhiqsigiiba way iga qabatay; allaylahee.

Wax ay sheekadu noo socotaba, ugu danbayntii ayay iisoo jeedisay arrin ka fudud waxan ka malaysanaayay oo dhan. Waxay igu tidhi, "Walaal wax ma kaa codsan karaa?" Naxdintii adduunkaa iskugu kay timid; 'qoodh iyo xero waxad ka werweraysay wakaas hadda bilaabmay' ayay maskaxdii leedahay. "Haaye iga codso" ayaan ku idhi. Xidhiid! In aannu xidhiidh sheeko wadaag ah, oo kii gayaan loo ogaaya ah aannu wadaagno ayay iga codsatay. Kolka hore waan naxsanaaye, waxa layga codsaday haddii intaas uun ay tahy anna kuma diidin. "Hawraarsan iyo guddoon" inta aan ugu bantookhay, ayaa xalladda hadalkeedu isii jiitay.

Intii hore hadalkayagu wuxuu ku saabsanaa isbarasho iyo iswaraysi guud uun, hadda se wuxuu isku beddalay xidhiidh sheeko. Wax ay saa ahaataba. Inantii waxa ay noqotay qofka ugu badan ee nolosha iigu wehel yeela. Waxa aannu wada hadli jirnay wakhtigayga oo dhan. Mar walba iyadaa isoo wacda. Mararka qaar waxaanu wada hadalnaa 1:00 pm illaa salaadda casar. Habeenkii intiisa badan wax aan iyada ahayn lama qaato. Wax ay sheekadu socotaba, waxay gaadhay in xataa markaan dariiqa lugaynayo aan wada hadalno. Sii durugtay! Hadda waxay maraysaa in Airphones ku dhagaha iigu jiraan markaan xiisadaha dhiganaayo!! Iyadaa iga codsatay sidaa! Kute, "Waxa kaliya wehel ii ahi waa codkaaga, fadlan hal daqiiqo ha igala maqnaan"!! Kuma diidin!!

Dhammaan asxaabtaydii ayaannu kala xidhiidh furmannay. Waxa marar igu soo dhacda heestay midhaheeda ka mid ahaayeen, "Anna sida banjoog Cawl, Ciirsi laan bannaanada, Keliday ka baaqaa", sababta oo ah, wakhtigayga intii shaqada iyo intii waxbarashada mooyee intii kale oo dhan iyada ayaa yeelatay. Markaan duhurkii soo rawaxo, waxaan telephone la soo fadhiisan jiray geed ku yaal guriga hortiisa, illaa casar laga eedaamana halkaas baan ka tawaawici jiray. Muddo saddex bilood ah (3) kolkaannu wada hadlaynay, ayaan ka codsaday in aannu is aragno. "Waa arrin wanaagsan walaal in aynnu is aragnaa, se waligay dibadda uma soo bixin aniga oo keliday ah; suuqa daaye, xataa dukaannada xaafadda keliday ma tago. Habaryaro ayaa meel walba ii raacda, se waxa iga ballan ah in aynnu si uun isku aragno...." Ayay noqotay jawaabteedii. "Waa si wacan walaal; bal haddii Rabbi xukmo arrintaas ku soo dedaal, waayo muddo badan ayaynnu is naqaannay, ismana weji garanayno e, bal aynnu isa soo baranno...." Ayaan ugu hal celiyay.

Aniga oo qorshaynayna sidii ay u soo bixi lahayd, ayay ila soo hadli wayday muddo laba cisho ah!! Mobilkeeduna wuu xidhnaa labadaa cishaba. Su'aasha ugu badan ee labadaa cisho niyaddayda dhex wareegaysay waxay ahayd, "Talow maxaa helay inantii aan daqiiqad oggolayn inaad ka maqnaato"!! Xiise aan markii hore iba haynin ayaa kolka i galay. Shaki weyn ayaan qaaday oo ah, 'waar ma markaad is arag ka codsatay ayay baxsatay gabadhii?' Naftii ayaa bilawday marna in ay ka werwerto, marna ay ka shakido. Siddeed iyo afartan saacadood ayaa isku soo wareegay. Daqiiqad daqiiqad ayaan hadba talefankeeda u garaacayay; bal in ay mar uun furto ayaa naftaydu aad u tamanniyaysaa. Wax dhacay ma ogi. Waan se werwersanahay. Aniga ayuunbaa shaw werweraaya e, waxa dhacay ma yara..

Maxaa dhici doona?

La soco qaybta 4-aad.

Qalinkii iyo Qisadii Axmednuur Catooshe.
Qurxintii iyo Quraariddii Cabdikariim Xikmaawi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip