JIN IYO JACAYL. Q,4-AAD.

0
Wednesday May 13, 2020 - 19:26:25 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JIN IYO JACAYL. Q,4-AAD.

    Afar caano maal inanta warkeedii ma hayo. Arrimuhu way igu cakiranyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar caano maal inanta warkeedii ma hayo. Arrimuhu way igu cakiranyihiin.

Nin hilaw iyo muxibbo lagu beeray ayaan ahaye, saa werwer ayaaban hadda dareemayaa. Qalbigayga xiise aan xad lahayn ayaa u gelay nafteedii. Dhegahaygu waxa ay aad ugu darsadeen codkeedii. Naftayda ayaaba u buseeshay gabadhii baarriga ahayd ee bixisadu sida fudud ii bartay. Marar ayaan naftayda eersanayaa! 'Bal maxaa kugu watay ee aad ballanta uga dalbanaysay' ayaan isku ciilkaanbiyayaa. In ballantayadii ay waxanba kaliftaan moodayaa.

Goor casar ah. Abbaaro shantii galabnimo tiiyoo ku dhawdhaw, waxa si kadis ah u soo dhacay talefankayga gacanta. Waan la booday! Tasmiin ayaan moodaye, hungo ayaan la karaar jabay. Ma garanaayo lanbarkan. Macno iima samaynaayo in aan ka qabto iyo in kale. 'Qushi; bal hadda ka qabo' ayay naftu igu durraamatay. Ka qabtay. "Hello, walaal iska warran Axmed?" Ayaa laygu bilaabay. "Nabad iyo wanaag walaal, waa tuma?" Ayaan ugu hal celiyay. "Walaal waa tu aanad garanayne, Tasmiin ayaa igu tidhi 'la hadal' sidaas ayaanan kuula soo hadlay, waxaanan kuu sheegaayay in inantii Tasmiin ay jabtay"!! "JABTAY AAAAA?" "Haa walaal way jabtay"!! "Halkee ayay ka jabtayna walaal?" "Lugta ayay ka jabtay, halkaas kubka iyo kuraantu iska galaan"!! Naxdin weynaa! Aniga oo degdegaaya ayaan haddana u raaciyay, "Oo maxaa jabiyay walaal?" "Walaal baadka tiiyoo ka soo baxaysa ayaa marmarku u siibtay"!

Intaas haddii aannu is waydaarsannay inantii isoo wacday, taleefankii dhigtay. Nabar ayaan fakaloon ku maqnaa. Waxyaabo badan ayay maskaxdaydu is weyddiinaysay oo xaaladda inanta ku saabsanaa. Ma degana naftaydu. Warkan inantu ay ii sheegtay ayaa isaguna oog aan damayn laabtayda ku sii hurunaaya. Wax ay saacaddu socotaba, bacda maqrib ayaan mar kale wacay lanbarkii inanta kale iga soo wacday, maadaama kii hore ee Tasmiin xidhanyahay. Muddo ka dib, haddii dhawr mar ay iga qaban wayday, markii danbe ayaa Tasmiin lafteedu lanbarkeedii iga soo wacday. Farxad ayaan la boodbooday sida carruurta.

"Hello! Axmednuur ii warran walaal?" "Fiicne adigu ii warran walaal?" Ayaan gu jawaabay. "Maansha Allah walaal waan fiicnay hadda" ayay iigu tiraab celisay. Intaas kolkaannu is waydaarsannay, ayaan ka waraystay xaalkeeda iyo sida wax u soo gaadheen. Inta aanay iigaba warramin waayaheeda, waataas inantii oohin qabsatay!! Waar illayn tanoo kale! Qof kula jooga ama aad si wacan u taqaan ayaad af garataa waxa aad ku aamusiinayside, halkan waanigaas baroorta ku dari gaadhay! War kale ma jiro e, sasabaad iyo suubaalin saan ugu waday, ugu danbayntii ku guulaystay in aan aamusiiyo, waxa jirana ay ii sheegto.

''Walaal horta waatan kuu sheegay arrinkii naftayda khuseeyay ee wadaadku ku taliyay. Sidaa awgeed, hooyaday iyo habaryartay ayaa igu khasbaya in la ii guuriyo wiil habaryartay dhashay, anna arrintaas waan diiday. Maalintii aan jabi doono hooyaday ayaa ila soo hadashay, waxaanay ii sheegtay 'in aan sii diyaar garoobo--oo la ii dhisi doono habarwadaagay, iyaduna soo socoto, wax walbana diyaar yihiin'. Cadhadii aan ka qaaday arrinkaas, ayaan go'aansaday in aan gurigaba ka baxsado. Ka dib baadka ayaan galay anigoo aad u cadhaysan, soo bixitaankiinaa waanigaas siibtay. Halkaas ayaa miir iigu danbaysay, waxan soo baraarugay uun anoo dhakhtarka aala oo lugta nuuradi igaga xidhantahay, dad badanna i dul fadhiyaan walaal...."!

Halkaa kolka ay sheeko marayso, ayay haddana oohin kale qabsatay!! Waan aamusiin kari waayey illaa uu naqaskii ku dhagay oo ay hadli kari wayday oohin darteed!! Anoo anfariirsan baan dhigay mobilekii, haddana isla daqiiqaddiiba waan ku celiyey. Juuqna, ha iska dhaca uun... Markii mobilekii ay qaban wayday waan ka daayay garaacii. Saacaddu markay ahayd 2:30 habeennimo, ayay isoo garaacday Tasmiin. Wada hadalnay xilligaas. Intaan dejin karayeyna dejiyey. Laakiin markay xoogaa joogtaba way ooyeysay. Xal aan ku xakameeyo oohinteedanna wali ma hayo. Cabsi badan ayaa i gashay. Inantu waxan ay ka ooyayso ayay wax badan naftaydu iska weyddiisay. Wax aan naftayda jawaab uga dhigo wali ma hayo....

Muddo illaa laba toddobaad ah ayaannu sidii ku wada hadlayna. Subax walba iyada ayaa ii kicisa salaadda subax. Walaw habeenkii oo dhanba aannu wada hadlayno, oo inta aannu jiifsannaaba ay waxyar tahay, haddana marnaba may seegi jirin inay ii kiciso salaadda. Subax danbe ayaanay inantii iba soo wicin ina kicin! Barqo danbe oo aan soo kacay haddii aan wacay, weyddiiyayna waxa ay saaka ii kicin wayday, ayay ii sheegtay in lacagta ku hadalka ee talefanku ay ka madhnayd. (Waligeed waa markii koowaad ee aan ka maqlo lacag ayaa iga madhatay!!) Intii aannu wada hadlaynay ayay gabadh yar ku tidhi, ''..... Cid ha u sheegin, hana tusin lacagta e, hooyoo dukaanka 20$ oo ku shubasho ah iiga soo iibi walaal...."!!

Mar haddii inanti jabtay, anna arday aan ahaa wakhtigaas, aanan bixinna karin lacagta ku hadalka ee intaa leeg, waxay igu tidhi, ''Nationlink innoo soo fur''. Qofkii ku hadlay ayaa garanayee, shirkadda Nationlink waxay lahayd laba Sim Card oo la isku furan jiray, taas oo bishii $5 lagu shuban jiray, 24 saacadoodna lagu hadli jiray. Labadii Sim Card ayaan soo furay. Mushkiladi waxay ka taagan tahay sidii aan ugu gayn lahaa! Arrintaas anoo ka fikiraaya, ayaan la kaashaday iyada warkaas.

Sheeko badan kadib, ii sheegtay in ay jirto gabadh yar--oo 10 jir ah, taas oo joogta gurigooda, ayna u dirato waxyaabaha dhadhwaw ee ay ka qarinayso habaryarteed, sidaas awgeed in ay taas yar iisoo diridoonto ii sheegtay, anna aan ugu soo dhiibo kaadhka shirkadda cusub. Sidii ayaan isku waafaqnay. Ii tilmaantay xaafaddii ay deggenayd. Halkii ay ii astaysay ayaan soo joogsaday. Ilbidhiqsiyo gudahood ayay iigu timid gabadh yar oo dheer, taas oo illaa xad qurux badanayd. Inta aan u dhiibin bushqad yar oo hadyad ah, taas oo ay ku jiraan Sim Cardkii, fargal iyo sawir kur ah oo anigu aan leeyahay, ayaan iyadana ka guddoomay bushqad (Involope) ah oo ka yara weyn tayda. Markii aannu sidaa u kala guddoomanayba is nabdaadinnay. Ilbidhiqsigii ay iga dhaqaaqday tii yaraydba, il iyo baal meel ay martay arki waayay!! Amankaag; aar talow maxaa yartii la booday? Haddana niyadda iska idhi waar 'waar waa ciyaal iyo caadaood--oo, malaa way carartay haysku sii mashquulinnin.

Wax yar markaan ka soo dhaqaaqay ayaan istaagay meel fooq hoostii ah, waxa aan furay bushqaddii ay hadyadda iigu soo dhiibtay Tasmiin. Sidaadan u furayba....

Maxaa dhici doona?

La soco qaybta 5-aad.

Qalinkii iyo Qisadii Axmednuur Catooshe
Qurxintii iyo Quraariddii Cabdikariim Xikmaawi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip