JIN IYO JACAYL. Q, 5-AAD.

0
Wednesday May 13, 2020 - 19:27:48 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JIN IYO JACAYL. Q, 5-AAD.

    Sidaadan u furay bushqaddii hadyadda ahaydba, waxa ishaydu ku dhacday ubaxa cas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaadan u furay bushqaddii hadyadda ahaydba, waxa ishaydu ku dhacday ubaxa cas

ee noociisa oo kale weligay aanan xataa filim ku daawan. Far dhexada farahayga oo laba jeer la isku daray ayuu dharar leegyahay. Baallaha waa casaan. Urtiisa yaabka leh ayaan sanka durbadiiba saaray. "Haax, ala udgoonaa.." ayaan cod la maali karo ku idhi, waligay kaas oo kal...

Dhawr goor oo kale inta aan urtiisa yaabka leh sanka ku nuugay, ayaan u jeestay alaabtii kale. Mar kale ayaan sawirkeeda quruxda badan aan kor ula soo booday. Masha Allah, ala inantu qurux badanaa! Laakiin wajigeeda oo sawir ah in aan arkaayo e aanan si dhab ah u hor taagnayn ayaan hilmaamay. Xubin ka mid ah jidhka aadamaha in uu wejigu yahay ayaa xusuustayda ka fogaatay. Markaas ayaan nabar ku dhaygagay sanqaroorkeedii iyo indhaheedii quruxda badnaa, anoo midabkeena ka helay!

Kartoon yar oo xanjo ah ayaa hadyadda kaalintiisa kaga jira. Inta aan soo qabtay, dhaayahana aan aad ugu dhaweeyay, ayaan gadaashayda danbe ka tuuray anoon furinba. Mar kale ayay ishayda soo jiidatay gacanta caagga ah ee madaw, taas oo dhudhunkayga in lagu soo qiyaasay aad moodaysay ayaan gacanta bidix jaf siiyay. Wixii aan ka qaadanaayay inta aan jeebadda ku gurtay, ayaan galkii alaabtu ku jirtayna bartii ku tuuray.

Wakhtigu waa noo samaa. Wax mushkilad ah oo danbe dharaarahan maannu arag. Haasaawahayagu si wacan ayuu noogu socdaa. Dhaawaca ay qabto ayaan layl kastaba la murugoodaa. "Ax" marka ay tidhaahdo, ayaan "Hee gacaliso" ugu jawaabaa. Xiisahayaga ayaa cirkaas maray. Maalintay jabtay, haddii aannu ka joogno afar bilood oo buure ah, lugtiina ay si wacan u soo kabmayso inantii, ayay maalin danbe kala dhacday!! Xanuunkii ka soo gaadhay dhaawacaas labaad ayaa maalmo suuro gelin waayay in aannu wada hadalno. Mar kale dib loo kab. Halkiina sheekadayada ka sii anba qaadnay. Imtixaankan nagu wareegaya aad uga werwernay. Oohinteeda aan wakhtiga lahayn sasabaad joogto ah la miciinsaday.

Intii ay jabniinka danbe ku jirtay, ayay dharaar habaryarteed u qaadday dalka Jabuuti. Sidaadii diyaaradda loo saaray, ayaa mar qudha miyir laga waayay gabadhii!! Anfariir awgeed ayaa lagu soo xoomay. Ilbidhiqsiyo haddii ay isla maqnayd, ayay mar qudha ku alaladday, "Axmednuur, gacaliye.. Ila hadal Axmed... Xabiibi..." Naxdin ayaa dadkii afka gacmaha wada saaray. Sidii hadday inyar ahayd, ayay mar kale caadi ku soo noqotay. La socoy. Jabuuti markay galeen, ayay habaryarteed iisoo wacday aniga. "Hello, Axmednuur saw maaha?" "Haa walaale waa tuma?" Ayaan ku jawaabay. "Waa Tasmiin habaryarteede, hoo hooyo la hadal way ku doonaysaye"!! Ayay iigu tidhi!!

Intaas markay tidhi, ayaa naxdin wadnuhu isoo dhaafi gaadhay. 'Oo habaryarteedna yaa kuu sheegay' ayaan is weyddiinayaa. Anoo dhaygagsan, ayay fajicii iga toosisay Tasmiin, kolkii aan maqlay iyada oo leh, "....Miyaanad i maqlayn walaal?" Sidii qof hurdo ka toosay inta aan soo booday, ayaan degdeg inantii ula hadlay. Salaan wax aan ahayn in aanay iila socon ayay ii sheegtay, waxaana ay igu sii dardaartay in aan jacaylka dhexdayada aad u ilaaliyo, iyaduna ay si dhaba ii jeceshahay oo aanay rabin marnaba in aan ka fogaado.

Muddo aan badnayn haddii ay Jabuuti joogtay, ayaa markii danbe Hargaysa lagu soo celiyay. Siddeed bilood oo danbe ayay qaadatay in ay kabanto inantii. Kabantay. Alle mahaddii siday ii sheegtayna si wacan u taltallaabsatay. (Ma arag ilayne, waa sida ay iiga sheegto talefanka)!! Wax ay saa ahaataba, dharaartii danbe ayay ila soo hadashay anoo xiisad ku jira. Sidaadii aan uga qabtay taleefankaba, durba dhegahaygii inta ay jiidhay oohinteedu, ayay qalbiga meel aad u shishaysa ay hubuq igaga tidhi. Waan naxay! Inta aan gariiray ayaan xiisaddii ka soo baxay anoo aan juuq odhanin!!

Jaamacadda dhexdeeda goobaha la fidhiisto middood intaan imid, ayaan si dareen leh hadalka ugu celiyay anoo gariiraaya. Muddo haddii hadalka aannu isku celcelinaynay, ayay ii sheegtay in haddana loo sheegay inaabtigeed in loo guurinaayo. Amakaag kale ayay igu noqotay. Hadda Tasmiin muddo sannad iyo dheeraad ah ayuu xidhiidhkayagu marayaa, walina il iyo baal ma saarin, guri ay magaalada ka gashana si rasmiya uma arkin. Wax ay hadalkii waddaba, ugu danbayntii waxa ay iga codsatay in aan guursado!! Hadalkaasi aad ayuu iigu adkaaday. "Sidee ayay ku dhici kartaa wali anoon ku aragba in aan kuu ballan qaado guur" ayaan weyddiiyay. "Dhib ma laha, wax walba oo guurkeenna ku baxaaya anaa bixinaay, kaliya i meherso uun horta si aan uga badbaado wiilkaas aanan rabin" ayay iigu jawaabtay weyddiintaydiiba inta ay ka lashay.

Hadalkii ayay sida roobka hadba dhan igaga keentay. Ugu danbaynna anoon is ogayn ayaan ka aqbalay in aan guursado!! Hadalku kolka uu dibnahaygii soo dhaafay ayuunbaan is ogaaday! Naxdin ayaan hadal kale tahli waayay! Iyada oo ku faraxsan ballanka aan galay, ayay igu tidhi, "Innoo xisaabi lacagta ku baxaysa guurkeenna"!! Anoo warqad iyo qalin kula kala dhigdhigaaya kharashkii guurka ayaan mar kale is arkay. Sidii qof laydh ka go'ay, inta aan si naxdin leh u soo booday, ayaa haddana inta shooggii la igu celiyay, aan dib u fadhiistay. Xisaabtii wadnay, ugu danbaynna ku heshiinnay: "Aroorta soo bax, aynnu halkaas iskugu nimaadno, hawlahana sidaas ku galno.

Halkaas marka aannu arrin isla dhignay, ayaa anoo dhididsan aan xiisaddaydii ku noqday. Saa fasalkiiba qof ma joogo e, shaw mar hore ayaa nusasaacihii loo dareeray! Iska baxay. Habeennimadkii halkii sheekada ka sii wadanay. Subaxdii kolkaan wacay, mise lanbarkii gabadhuba waa xidhanyahay! Ala haya, waar bal tanoo kale yaa arkay. Maalin qaaday, oo laba qaaday, oo haddana saddex ku dhawaa intii uu xidhnaado taleefankeedii. Dhaygag ayaa dharaarahanba i dilay. Dhabannada inta aan shanta saaro, ayaan hadba la dhukaamayaa waxa dhacaaya ee aanan dhan ay u socdaanba garanaynin.

Habeen saddexaadkii, abbaaro 11:00 ayay si kadis ah ii soo wacday. Waxa helay haddii aan weyddiiyayna, in ay mar kale xanuunsatay--oo wadaadkii loo geeyay, laguna sheegay in uu sixir haysto' ayay ii sheegtay!! Af kala qaad ayay haddana igu noqotay sheekadeedu. "Oo markaa yaa ku sixray ayuu yidhi wadaadku?" Ayaan is kala garan waayay goor aan si fudud u idhi. "Norway markaad joogtay baa lagu sixray' ayuu yidhi...". Ka soo gudubnay sheekadaas. Hawshii ilama ay soo qaadin, anna waxba kama weyddiine, 'Eebbaw ilawdaa' ayaaban niyadda ka lahaa culayskeeda ma karee.

Sheekadii oo sidaas ah, ayaanay haddana isoo wicin dhawr maalmood oo kale. Aniga oo yaabban, inantan arrimaheeduna aad ii murjiyeen, ayay galabtii danbe iga soo wacday lanbar aanan garanayn. Sidaa markaan uga qabtayba, judhiiba waxay igu bilawday: "Gurigii waa la iga wareejiyey. Waxa la i geeyey guri cidlo ah, waxaana la igu yidhi 'waa gurigii lagugu aroosayey'. Waardiye albaabka taaganna waa la igu ballamiyay. Albaabka guriga in aan soo istaago layma oggola. Mobilekiina waa la iga qaaday ee sidaa ula soco..." Maskaxdaydani waa wareertay marka!!

Maxaa dhici doona?

La soco qaybta lixaad

Qalinkii iyo Qisadii Axmednuur Catooshe.
Qurxintii iyo quraariddii Cabdikariim Xikmaawi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip