JIN IYO JACAYL, Q.6-AAD.

0
Thursday May 14, 2020 - 13:13:29 in by abdirizak saleban
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JIN IYO JACAYL, Q.6-AAD.

    Waxa qorshaheedu yahay ee ay damacsantay haddii la waardiyaynaayo markaan weyddiiyay, ayay iigu jawaabtay:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qorshaheedu yahay ee ay damacsantay haddii la waardiyaynaayo markaan weyddiiyay, ayay iigu jawaabtay:

"Walaal guriga wiil yar oo ayaa jooga, isaga ayaanan isku dayayaa in aan sasabto oo muraadkayga ka dhaadhacsado. Hadduu i yeelo, lacag inta aan u soo dhiibo ayaan kuu soo diriye, adoo raalliya moobil iyo kaadh ii soo iibiyoo, iiguna soo dhiib walaal..." Intaas hadday ii sheegtay, ayaan anna ka aqbalay codsigeedii, una sheegay wixii awooddayda ah in aan u fududayn doono.

Afar cisho oo danbe ayaanan warkeeda helin. Aniga oo la tacajabsan sidan ay wax u socdaan, ayay galabtii shanaad abbaaro shantii galabnimo lanbar kale iga soo wacday. Waxay ii sheegtay in wiilkii yaraa oggolaaday, galabtana ay u soo dhiibayso lacagtii, meesha caynkaas ahna in aannu aniyo wiilku iskugu nimaadno ayay iga codsatay. "Waa si wanaagsan" intan ugu jawaabay, ayaannu is nabadgalyaynay markaasi. Arrinkaygu yaab ayuu ka bixi la'yahay. Su'aalo ciidda ka badan oo aanan jawaab u hayn ayaan maskaxdaydii ku daaliyay. Niyaddayda ayaa igu leh, 'tolaw miskiintan yar maxaa laga ciqaabayaa?' haddana mar kale ayay naftu is weyddiinaysaa, 'tolaw xaggee ayay wax ka qaldanyihiin'. Beliyo baas ma maqli jirtay, allaylahee malaha tanaaba u dhaw!!

Bacda maqrib ayaa wiilkii yaraa iigu yimid bartii aannu ku ballannay. 100$ ayuu sidaa. Inta aan kaxeeyay, ayaan Hadiya meheradda la odhan jiray moobil wanaagsan uga iibiyay. Xarunta shirkadda Nationlink oo iyana aan kaba fogaynba ayaan Card kiina uga furay, sidaasna wiilkii yaraa ku nabadgalyeeyay cawayskaas. Marku iiga dhaqaaqay xagga basaska laga raaco, ee inyar aan sii eegaayay ayuu libdhay. Fogaan arag uu igaga qarsoomo dadka ma uu socone, durbadiiba waxa qariyay ayaan la yaabay!! Markaas ayuu shaki i galay! Waxa aan toos u soo xusuustay yartii habeenkii hore mar qudha aan waayay. In wax weyn oo aanan dhaaddanayni ay jiraan ayaa habeenkan iisoo baxday. Shakigii horeba iigu biiray, ayaa mar kale haddana igu sii ballaadhay habeenkaas!!

Inantii markii mobilekii loo geeyey, ayay isoo wacday iyada oo beddalan!! Way hiqlaynaysaa! Oohinteedu mid iyo maaha e, sida ay u ooyaysaa qalbigaaga ayay dhaqaajinaysaa. Dhawr goor haddii aan weyddiiyay waxa ku dhacay, ayay ugu danbayntii igu tidhi, "Gabadhii Norway joogtay, ee markii hore isoo korisay, carruurtayda kalana dhashay, 'Hooyadaa maaha' ayaa laygu yidhi!!" Waxa ay ku hadlayso ayaan si caadiya u garan waayay. Dhawr goor ayaan su'aallay waxa ay uga jeeddo hadalka. Wixii hore ay ii tidhi wax ka duwan haddaan maqli waayay, ayaan kolka ku idhi, "Oo sidee ayay ku dhacday markaa taasi imminka?"!!

Sheeko dheer ayay halkii iiga gashay, ugu danbaynna waxay tidhi: "Hooyaday markii ay i umulaysay waa la igu qalay, markaa way umul aroortay, carruurta aan moodaayay inaan isku aabbe iyo isku hooyo nahayna, kaliya wiil Maraykanka jooga oo iga weyn ayay hooyaday dhashay, inta kale islaantan hooyada ii sheegatay ayaa dhashay.." Aniga oo anfariirsan, ayaan si cadho ka muuqato ugu idhi, "Oo intaas oo dhan sideed wax u ogaan wayday ee maanta keenay in aad ogaato?" Iyada oo dhanna iga dejinaysa, dhanna teedii cuslaysay ayay igu tidhi, " Maanta waxa arrinka la iigu sheegay, abtiyaashay baa yidhi, 'Mar haddii inantii la guursanayo waa in loo sheegaa hooyadeedii dhabta ahayd, si aanay mar dhaw ceeb innoogu noqon marka qoyska guursanayaa ogaadaan in ay moodayso in islaatan korisay hooyadeedii ahayd' sidaas ayaana la isla qaatay, anigana laygu sheegay"!

Habeenkaasi walbahaarkiisa ayuu lahaa. Cadho inta aan madoobaaday, ayaan karaahiyaystay wax walba oo ay igula hadlayso inantii! Shakigii waayadanba igu hadhaysnaa, ayay hawl lama filaanana iigu dartay. (Bac ayaa marka igu xidhantay)!! Wax kaliya oo aan sameeyo ayaan garan waayay. Af xumo iyo cay igama gaydo. Aaminaad iyo daacadnimo danbana anaaka soo istaagay. Aniga oo hadba maskaxdayda dhan ula shawraaya, ayaan maqlay codkeeda leh, ".... maanta adaa iigu jira halkii hooyo, adiga ayaanan kaa haystaa wax wehel ah oo dhab ah, waan ku baryayaaye ha igaga tagin ninkan la igu khasbayo. Axmedaw arrinkayga ha fududaysan walaal...." Aniga oo wax aan ku hadlo garan la' ayaan ugu jawaabay, "Wax waliba way innoo hagaagi doonaane niyadda khayr u sheeg walaal Tasmiin.

Muddo ayaannu si teelteel ah u soo wada xidhiidhaynay. Habeen kale ayay ii sheegtay in walaasheed iyo aabbaheed ay rabeen in ay dalka yimaaddaan. (Walaashan ay sheegayso xagga aabbe ayay ka walaal yihiin') laakiin walaasheed ay umushay oo sidaas ay ku baaqdeen. Hawlaheeda ayay u socdeene, in ay sidaas muddo ku yar hakanaayo guurkii ayay ii raacisay. Laba habeen kolkay ka soo wareegeen habeenkan, ayay haddana ila soo hadashay iyada oo dhiillaysan. Waxa dhacay haddii aan weyddiiyay, waxa ay ii sheegtay in walaasheedii umusha ahayd ay geeriyootay! "Alle haw raxmo" inta aan ku idhi, ayaannu halkii gellin murugada ku haasawnay.

Muddo haddii laga soo wareegay wakhtigan, ayaa aabbaheed yimid dalka. Kolkii ay ii sheegtay imaanshaha aabbaheed, halkii aan ka eegayey in uu dhibkeeda hoose u eego, oo war fiican ay iisoo sheegi doonto ayay tidhi, "Aabahay wuxu yidhi, 'Si aad u caafimaaddo waa inaad guursataa inaabtigaa isaga ayaa la garanayaaye; aabbe warkaas war ha ka soo celin' ayuu igu yidhi aabbe". Siday ii sheegtay, "Arrinkaas ma yeeli karaayo" ayaan ku idhi bay tidhi, isna waxa uu ugu jawaabay, "Waad ku khasbantahay warkayga". Wax yarba haddii habeenkaas laga joogay, wiilkii ay ilmaabtiga ahaayeen ayaa loo meheriyay inantii, hawshaasna sidaas ayaa lagaga faroxashay.

Dhawr cisho oo danbe haddii aanan arag, ayay isoo wacday maalin danbe. "Nabade nabad sheeg" haddii aan ugu jawaabay, ayay "Wanaag iyo walbahaar adduun" iigu jawaabtay. "Walaaca iyo walbahaarku miyaannu hadhayn sawtay hawluhu dhammaadeen" ayaan ku idhi. Qosol war dareensiin ah inta ay i maqashiisay, ayay si dheeldheel ah iigu tidhi, "Maxaa dhammaaday inaadeer, waa la i meheriyay uune, ninku iguma soo dhici karo, agtayda in uu yimaaddana waa loogu taag waayay. Dadkii oo dhan ayaa hadda la yaabban; cabsi ayuu iga qaaday aan xad lahayn"!! Hadalkan kolka ay i leedahay, ayaa laftaydii aan cabsi dareemay! Hadalkeeda aad ka dareemayso xataa in ay aniga ii hanjabayso. Codkeeda aad mooddo in uu isa soo beddelaayo ee kii ragga u soo eeg. Hadallada cadcad ee aanan hore ugu aqoon iyo igu soo dhiiranaanteeda in ay i canaananayso aad mooddo anoo ka anfariirsan, ayay cod aad u hooseeye inta ay warka iigu beddeshay, waxa ay si gaaban iigu tidhi, "Waa lagu dilayaaye is jir Axmedaw.. Aad isku ilaali, xaafaddayada ayaa rabta in lagu dilo maadaama aan ku jeclaadaye, aad iskugu badnaw..." Intaas kolka ay igu tidhi, ayaan hal mar hawada iskula booday oo aan ku qayliyay, "YAAAAA, ma anaa la i dilayaa? Oo maxaa dhacay ee laygu dilayaa dee?..."

Maxaa dhici doona?

La soco qaybta toddobaad.

Qalinkii iyo Qisadii Axmednuur Catooshe
Qurxintii iyo Quraariddii Cabdikariim Xikmaawi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip