JIN IYO JACAYL, Q. 7-AAD.

0
Friday May 15, 2020 - 12:55:26 in by abdirizak saleban
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JIN IYO JACAYL, Q. 7-AAD.

    Marar badan ayaan ku celceliyay waxa ay ku falayaan reerkoodu dilmashadayda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marar badan ayaan ku celceliyay waxa ay ku falayaan reerkoodu dilmashadayda.

 Iyada oo ooyaysa ayay iigu jawaabtay, "Reerkayagu markay ku ogaadeenba way iga kaa ilaalinayeen...." Iyada oo hadalkeedii wadata, ayaa inantii ooyaysay marna ii digaysay ay haddana cod kulul ii saartay. Aniga oo yaabban, wax aan ku hadlana garan lah, ayay dhegtaydu maqashay ninka i leh(Hadda waa nin qofku)!! "Waaryaa naagtan anaa jecel ee badeeda maad bixi mise walaahay waan ku dilaa?".

Naxdin inta aan qaboobay, ayaan dhegta ka qaaday talefankii oo aan lanbarka eegay. Wallaahi waa lanbarkeedii uun!! Dhegta ayaan mar kale saaray, mise nin ayaa ka dhex hanjabaaya taleefankii. Cod aad onkod mooddo oo aan dhegahaygu u adkaysan karin ayuu igu haaraamayaa. Sidii qof si wacan ii garanaaya ayuu iila hadlayaa. Mar kaliya hanjabaadda iyo digniinta ii kala joojin maayo. Inta Alle yaab ii keenay, ayaan is idhi talefanka ku jar. Haddana awoodda ayaa ii saamixi wayday in aan ku jaro.

Marka aan arkay sida xaal yahay, inta aan ragannimo iska baadhay ayaan ku idhi, "Waar adigu kumaad ahayd, maxaad se ka hadlaysa?" Itaasi hadday afkayga soo dhaaftay, ayaa wadnuhu baqe ila gariiray. Aniga oo cadho madaxu i qarxi gaadhaayo, ayaan maqlay kiiyoo leh, "... Cabdiqaadir baa la i yidhaahdaa. Dalka Norway ayaan joogaa. Gabadhan aad iskala hadlaysaa waa jacaylkaygii. Haa waa runtay, waa jacaylkaygii. Iyadaa i diidday, anna sidii baan u jecelahay. Nin kale ma heli karo marna, haddii aad nolosheeda ka dheeraan waydana sidaan kuu galo waa la arki doonaa... "!!

Hadal kolkii uu kala joojin waayay, ayaan xanaaqay oo aan ku idhi, "Hadday ku diidday maxaa ku daba dhigay haddaa? Waar sida carruurta nin loogu hanjabi karo ma ihiye, wax kale ka sheekee..." Inta uu aad u xanaaqay, ayuu cirkaas ka qaliyay oo jallaafo iyo hadimo wixii uu marsiiyay ii taxay, "Wax walba anaa ku sameeyey oo dhib ah. Markii ay jabtay anaa riday oo jabiyey, waayo aday kuu soo baxaysay. Xaafaddooda anaa ku diray si aanay fursad u helin ay ku baxsato. Aniga ayaa nacsiiyey inaabtigeeda loo meheriyey, oo maba soo hor istaagi kara--oo wuu ka baqanayaa, adna haddaad hawsheeda ka bixi waydo naftaan ku dhaafinayaa wallaahi... Arrimaheeda ka bax".

Inta yaab Alle iskugu kay keenay, ayaan ogaaday belada inanta ku maraniba in uu ninkan yahay. Si deggan inta aan hadalkii ugu dhigay ayaan ku idhi, "Waayahaye Cabdaw, waan ka baxayaa hawlaheeda e, caawa uun isku kaayo yar daa aannu wakhti kooban wada hadalno e"! Waayahay iyo diiday midna isaga oo aan i odhanin, ayaan maqlay codka sida daciifka ah ku leh, "Walaal maxaa igu dhacay...". Hadalkeeda kolka aan maqlay ayaan aad u xanaaqay. Inta aan cadho is kala garan waayay ayaan ku idhi, "Annakaad kolba waji noola imanaysaa. Naa ma ilmo yar ayaad ii haysataa oo kolba wax looga sheekayn karo?" Haddallo qalqalafsan haddii aan ku boobay ayay oohin qabsatay! Siday u ooyaysay ayaa naqasku qabtay oo aan hadalba ka maqli waayay!!

Taleefankii ayaan ku dhigay. Haddana isla markiiba waan ku celiyay. Nagba, waataase bal cid ba ha kaa qabato taleefanka. Markii aan ku daalay ayaan iska dhigay. Ku dhawaad saacad ka dib ayay igu soo celisay. Markii aan ka qabtayba, waxa aan weyddiiyay wixii dhacay. Bilaw illaa markaas aannu joogno ayay sheekadii ii taxday. "Ninkani waa ninka ishu igaga dhacday. Waa ninka markii layga dabiibi kari waayay la damcay in la ii guuriyo qof kale. Waa ninka wax kaste oo noloshayda u soo kordhaayaba is hortaaga ee baabiiya. Markan ku lahaa wiilkii inbtigay ahaa wuu igu soo dhici waayay, dee anigu maxaan yeeli karaa ninkaas ayaa iska kay hortaagay. Waa ninkii i jabiyay, ee xaafaddayada iyo dadkaba ila collaysiiyay. Waa ninka raba adigana in uu ku dilo imminka....."

Sheekadaas dheer kolkay ii gashay, ayay naftaydii soo yar dabacday marka. Waxa ay ila noqotay in sida ay sheegaysaa ay dhab tahay. Waxa aan u qaatay in tuhunkii iyada ii galay ee aan mooday in ay jin tahay aan is moodsiiyay. Waxa qalbigayga galay naxariis iyo jileec uu ka damqanaayo dhibka gabadha haysta. Aad ayaan uga xumaaday mar kale waxa haysta gabadhan miskiinta ah. Waxa ay ila noqotay in dhibkuba uu ninkan uun yahay. Waxa aan xaqiiqsaday masiibada isha iyo cawridu leedahay. Markaas ayaan isku qanciyay anna in aanan il iyada ka kasbane, intii karaankayga ah aan u dabacsanaado. Habeenkaas aniga oo werwer hadli kari la' ayaan taleefankii dhigay.

Markii aan taleefankii dhigay, ayay igu soo dhacday ballantii uu ninku igaga tagay. Cabsi xoog leh ayaan markaas dareemay. Waxa ay ila noqotay in uu weerarrada xaggayga u soo wareejin doono. Waxa aan ku tashaday in aan xidhiidhka gabadhan halkaas ku joojiyo. Walaac hor leh ayaa markanna ii bilawday. Qof aad arkayso ayaa la iska ilaaliyaaye, wax aan la arki Karin ayay "iska jir" igu leedahay Tasmiin. Dhulkaa ii dhaqdhaqaaqay. Habbeenno badan oo aannu inantii soo wada hadlayno kolkaan is arkay, ayay cabsidii ballanqaadku igu sii korodhay. Adkaarta in aan gaashaan ka dhigto ayaan laasimay. Sidii ayaanan muddo danbe aan kula sii hadlaayay inantii Tasmiin.

Muddo kolka arrini ay sidaas ahayd, ayay ila soo hadashay habeen aniga oo xaafadda iska jooga. War naxdin leh oo ay igu salaantay, ayay iigu sheegtay in aabbaheed gaadhi la dhacay! Naxdintii aan la soo hinqadayna tiiyoo aan dhammaan, in uu geeriyooday oo aaskiisa loo dareeri doonana ii raacisay. Markiiba niyaddayda ayuu ku soo dhacay ninkii ballanta ila galay. Aad ayaan habeenkaas u cabsaday. Inyarba tiiyoo aan ila hadlin ayay taleefanka dhigtay. Halkii ayaa caloolyaw hor lihi igu abuurmay. Waxa igu soo degdegay hadalkii uu ku bantookhaayay kolkii uu lahaa, "Ciddii u soo dhawaataba anaa ka dheereeya. Ma jirto, mana heli doonto cid ay naxariis ka helaysaa..." Inaas markan xusuustay, ayaan dhawr goor shaydaanka iska naaray. Aayaatul kursiga inta aan ku laba celiyay, aniga oo ka fikiraaya xilligii la isoo gaadhi lahaa ayaan seexday habeenkaa.

Maxaa dhici doona?

La soco qaybta siddeedaad.

Qalinkii iyo Qisadii Axmednuur Catooshe
Qurxintii iyo Quraariddii Cabdikariim Xikmaawi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip