JIN IYO JACAYL. Q. 8-AAD.

0
Sunday May 17, 2020 - 14:51:53 in by abdirizak saleban
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JIN IYO JACAYL. Q. 8-AAD.

    Habeenno iyo dharaaro cabsi badan ayaan galay. Dhukusaad iyo dhabar gaabni ayaan waddooyinka ku maray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenno iyo dharaaro cabsi badan ayaan galay. Dhukusaad iyo dhabar gaabni ayaan waddooyinka ku maray.

Baalla daymood iyo babiso nafsi ah ayaa la ii saaray. Aniga oo sidaas ah, ayaan dhanna kala hadlaayay inantii Tasmiin. Hadda sheekooyinkii hore way is beddaleen. Niyaddaydu quus ayay ka istaagtay hadallada inantan. Sir iyo caadba waxbaan u su'aalay, dhan se aan u saaro ayaan garan waayay marnaba. Wax sax ah oo nolosheeda ku saabsan ayaan sinaba uga heli waayay.

Tiiyoo xaajo halkaas marayso, ayay dharaartii danbe igu tidhi, "Axmednuuraw maanta waan ku arkay markad jaamacadda joogtay". Inta aan soo booday, ayaan ku idhi, "Oo haddaa maxaad iila hadli wayday walaal?". Markaas ayay igu tidhi, "Iga raalli ahaw walaal, ma awoodo in aan kula hadlo, se anigu mar walba waan ku arkaa inta badan maalintii, aragtidaada ayaana ii ah nafis iyo naxariis aan naftayda ku qaboojiyo..."! Inta aan yaabay, ayaan bilaabay su'aalo la xidhiidha sida ay ii taqaanno inaan weyddiiyo, maadaama ay sheegtay in ay maalin walba i aragto, si wacanna ay ii taqaanno iyadu.

"Horta waxa aan ku weyddiiyay, maaddaama aad maalin walba sidan ii aragtid, sidee ayaanan kuu garanayn anigu walaal?" "... Maya wallaahi, adigu ima garan kartid, laakiin anigu adiga, carruurtiinna reerkiinna iyo xataa gurigiinna ayaan aqaanaa..."!! Intaas kolka ay tidhi, ayay igu soo dhacday sibiqdii aannu isku baranay. Kolkaas ayay niyaddu mar kale tidhi, 'wallaahi inantani malaha waa xaafadda e, waa lagu tijaabinaayay e dabinka waad ku dhacday'. Berigaasna waxa jiri jiray in wiilka aan dumarka u furfunayn, ay habluhu mar walba isku dayi jireen in ay si uun uga hadliyaan oo xogtiisa u helaan; taasoo kale inay igu dhacdaan tuhmay.

"Horta talefan ayaynnu si kadis ah iskaga barannaye, ka hor miyaad i taqaanay?" Ayaan mar kale weyddiiyay. "Haa, maalin aniga iyo laba hablood oo kale annaka oo wada joogna, ayaad na salaantay. Markaas ayaan gabadh hablihii ka mid ah ku idhi, 'wiilkani wa ayo?' "Heli maysid ninkane, saaxiib iska dhaaf warkiisa" ayay iigu jawaabtay inantii maalintaa. Wacad ku maray anna in aan ku barto.." Inta aan hadalkii ka dhex galay, ayaan ku dhi, "Habluhu kuwee ayay ahaayeenna?" Markaas ayay igu tidhi, "Heblaayo iyo Heblaayo ayay kala ahaayeen". Si wacan ayaan u gartay labadii hablood ee ay ii sheegtayba. Labadaba Jaamacadda ayaannu wada dhigannaa. Mid Jaamacadda waxa noo dheer derisnimada, ta kalana si wacan ayaannu isku naqaan lafteeda.

Weyddiimahaygii ayaan sii yar watay, kolkaas ayaan ku idhi, "Oo haddaad ballantaa gashay, sidee ayaad igu ogaatay maalintaad igala hadashay substationka, adiga oo markii hore Kayse la hadlaayay?" Inta ay yar aamustay, ayay iigu jawaabtay, "Maalin hore ayaan kugu arkay adiga oo substationka jooga, maalintaan kula hadlayna, in adiga aad tahay waan ku dareemay"! Shaki kale oo hor leh ayaa i galay habeenkaasna. Iyada oo hadalka wadda, ayaan anna go'aansaday in aan gabadhan faraha kala baxo arrimaheeda oo dhanna aan bartaas ku illaawo, saa macquul maaha la sii socodkeedu.

Go'aanka se intaanan qaadan, ayaan bilaabay in aan dabo gal ku sameeyo gabadhan iyo nolosheedaba. Subaxdii ayaan labadii hablood ee ay i tidhi waan wada joognay aan mid ka mid ah u tagay. Nabdaadin ka dib, waxa aan weyddiiyay in ay garanayso gabadh noocaas ah, inta aan lanbarkeedii iyo sawirkeediiba tusay. Inantii "waligayna gabadhan iyo lanbarkan toona maan arag" ayay igu tidhi. Iskaga tegay gabadhii. Tii kale ee ay lahayd way wada joogeen ayaan Jaamacadda ugu tegay. Sidii si la mid ah ayay igu tidhi iyana. Aniga oo inantii danbe la taagan, ayaabay isoo wacday nasiib wanaag. Markan sidaas uga qabtayba, waxa aan ugu dhiibay inantii.... "Hello" markii ay inantii ku tidhiba, degdeg ayay ugu dhigtay talefankii. Marar badan oo aan ku celiyayna iga qaban wayday taleefankii.

Mar kale ayaa shaki aan caadi ahayni i galay. 'ninyaw waxan ku haystaa waa maxay' ayay niyaddaydu igu wareerisay. Tacajab ayaan la go'sanahay. Dhanka kale, in gabadhani aanay qof caadiya ahayn ayaa maalmahanba maankaygu ku muransanyahay. Tiiyoo sidaasa, ayay isoo wacday gelin danbe aniga oo guriga jooga. Ka qabtay, kuteh: "Waar saaka ma anigaad heblaayo iigu dhiibaysay taleefanka?" "Oo yaa kuu sheegay in ay heblaayo tahay?" Ayaan kula soo booday. "Ma qof aan wax la socon ayaad ii haysataa, waan ogahay in aad xataa gabadhii kale u tagtay oo aad aniga raadinayso xogtayda e..." Markii ay dhanna warka u saari wayday, ayaan ku dhigay taleefankii, dabeedna iska xidhayba moobilkii.

Ma maqli jirtay 'arrinkaas waa loo qaylay' allaylahee waan u seexday! Si aan gabadhan warkeeda u soo af jaro, ayaan go'aan saday in aan la hadlo inta ay naftaydu awooddo, bal si aan u arko cid ama hawl qabashadeedu ay taleefankayaga soo dhex gasho. Habeen dhan oo arbaca ah iyo maalin khamiiseed ayaan darteed u hurday. Galab khamiis ah oo jimce soo gelaayo ayaan si wacan isu diyaarriyay. Bacda maqrib inta ay isoo wacday, ayaan ka qabtay taleefankii. Nin diyaar ah aan se isku sheegin baan ahay iyada e, waxa aan la hadlaayay illaa sallaaddii subax! "Ax" iyo "Ux" toona hal mar kama maqlin. Cid la hadlaysa iyo cid ay la hadlayso toona maan maqlin intaasba.

Anigu in aan idhaahdo "i yar sug adoo khadka ku jira" mooyaane, iyadu hal mar xataa waxbaan cunayaa, ama musqul ayaan gelayaa midna ima odhanin. Sii wadnay hadalkii. Sidaan ula hadlaayay, ayaa salaaddii duhur ee jimcaha la galay. Daqiiqad qudha iyada xataa dabku kama dhicin!! Aniga dhawr moobil oo aan dhagaxa u kala beddelaayo ayaa i ag yaalla. Dhegtaa i daashay. Indhahaa i cascasaaday. Dhankaan hadba dhulka ku hayo ayaa kabuubyo igu dilay. Sidaas markuu xaal noqday, ayaan qaatay go'aan kama danbays ah, waxaanan naftayda ku idhi, "Qoftan arrinteedu bili'aadminimada waa ka baxsantahay, sidaas kaga hadh oo faraha kaga qaad". Halkaas ayaanan taleefan lanbarkaygii ku tuuray, xidhiidhkii gabadhaas na aan ku jaray.

(Go'aankii Axmed iyo gocashadii Tasmiin.)

Maxaa dhici doona?

La soco qaybta sagaalaad.

Qalinkii iyo Qisadii Axmednuur Catooshe
Qurxintii iyo Quraariddii Cabdikariim Xikmaawi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip