Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay 117 muwaadin oo ku xayirnaa dalka Pakistan

0
Sunday May 24, 2020 - 17:37:54 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay 117 muwaadin oo ku xayirnaa dalka Pakistan

    Safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan ayaa maanta gudaha dalka ku soo celisay 117 qof

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan ayaa maanta gudaha dalka ku soo celisay 117 qof oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku xayirnaa dalka Pakistan muddooyinkaan dambe.

 

Dalka Pakistan ayaa dhawaan dib u furay duulimaadyada, iyadoo taas laga faa’idaysanayo ayaa dowladda Soomaaliya waxay bilowday dalkaas inay kasoo daabusho muwaadiniinteeda oo u badan arday halkaas wax ka barta.

Safiirka Soomaaliya ee Paksitan Khadiijo Maxamed Almaqsuumi ayaa barteeda facebook sidaan kusoo qortay,” Alxamdulilah ilahay bay mahadi dhamaanteed u ahaatay oo inoo fududeeyo inaan dalkooda dib ugu celino muwadiniinteena Soomaaliyeed ee ku xayirmay wadankan Pakistan. ciid wanaagsan.”

Dhawaan ayay ahayd markii muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya dib loogusoo celiyay Soomaaliya.

Boqolaal kale oo Soomaaliyeed ayaa ku xayiran dalka dibadiisa, iyadoo taas sabab ah cudurka Coronavirus oo adduunka kala xidhay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip