Dad ku nool duleedka Hargeysa oo sheegay in deegaankooda lagu gubay meydadka dad u dhintay COVID-19

0
Wednesday June 17, 2020 - 18:17:05 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ku nool duleedka Hargeysa oo sheegay in deegaankooda lagu gubay meydadka dad u dhintay COVID-19

    Deegaanka xeero oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka xeero oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland
ayaa waxay si adag u dhaleeceeyeen guddiga xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, waxayna ku eedeeyeen in meydad dad ajnabi ah oo u dhintay Coronavirus lagu gubay doox weyn oo halkaasi ku yaalla.

 

Dad u badan odoyaal iyo haween deegaanka ah oo la hadlay Telefashinka maxalliga ah ee Bulsho tv ayaa waxay sheegeen in hadda ay ka baqayaan khatar caafimaad oo xooggan , maadaama haraadiga meydadkii la gubay ay weli ka muuqanayaan bartamaha togga.

Lama oga dhab ahaanta cidda ay ahaayeen meydadka deegaankaas la sheegay in lagu gubay, lammana yaqaan dhalasho ahaan meesha ay kasoo jeedeen.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland illaa iyo hadda kama jawaabin cabashada dadka deegaanka xeero oo qaarkood sheegay in ay maqlayeen lacago kummaan dollar ah oo lagu gor-gortamayay si meydadkaas oo aan tiradooda la aqoon loo gubo.

Haddii sida la sheegay ay dhab noqoto in deegaankaasi meydad lagu gubay, waxay dad badan aaminsanyihiin in ay noqon doonto fadeexad Somaliland, gaar ahaan guddiga ka hortagga iyo xakameynta COVID-19 soo fuud saarta.



 




 




Click here
 
 
 
6/17/2020 10:34 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa sheegay in xog ay heleen ay muujineyso in uu weli noolyahay hoggaamiyahii mucaaradka waddankaasi Soumaila Cisse, kaas oo ku maqan gacanta kooxo Afduubtay xilli uu sameynayay ol-ole la xiriira doorasho dalkaasi ka dhaceysay . sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

6/17/2020 10:19 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahna hoggaamiyaha xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay dilalka mararka qaar ay ciidamada dowladda Soomaaliya u geystaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho.

6/17/2020 10:06 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Guddiga xeerka dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya oo maanta ka qeyb-galay kulankii Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay u qeybiyeen Afarta xeer ee loo saaray in ay soo diyaariyaan, kaas horay loogu idmaday.

6/17/2020 9:13 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Ciise Cawad, iyo Danjiraha Jarmalka, Annett Günther oo qadka taleefonka kuwada hadlay ayaa ballan-qaaday inay kasii wada-shaqeyn doonaan yareynta halista ka dhalan karta COVID 19.

6/17/2020 8:46 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay talefishinka SNTV, ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha sababo la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19.

6/17/2020 3:27 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus, Sacuudi Carabiya ayaa la rajaynayaa in ay joojiso ama dib u dhigto sanadkaan gudashada waajibaadka xajka markii ugu horeysay tan iyo 1932.

6/17/2020 12:58 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Tartanka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Jabuuti ee kursiga Afrika ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lasoo gabagabeyn doonaa Arbacada maanta ah ee 17-ka Juun, laakiin natiijada ka soo baxda waxay saameyn ku yeelan doontaa iskaashiga gobolka.

6/17/2020 12:50 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay si buuxda u taageersan tahay dadka reer Falastiin si ay dib ugu helaan xuquuqdooda oo buuxda ayna u diidaan qorshaha Israel ee ah in laga burburiyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip