Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay in gobolka Banaadir 13 kursi uu ku yeesho aqalka sare

0
Saturday June 27, 2020 - 18:46:36 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay in gobolka Banaadir 13 kursi uu ku yeesho aqalka sare

    Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay in 13 kursi oo dheeraad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay in 13 kursi oo dheeraad
ah lagu kordhiyo golaha aqalka sare, si ay matalaad ugu noqdaan gobolka Banaadir, oo aan xilligaan wax matalaad ah ku lahayn golahaas.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir waxaana xeerkan haa ugu codeeyay 142-Xildhibaan 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Matalaada gobolka Banaadir waxay ka dambeysay kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya ay barlamaanka horgeeyeen mooshin ku aadan in 13 kursi oo aqalka sare ah lasiiyo gobolka Banaadir.

Tirada xubnaha aqalka sare oo awal hore ahayd 54 xubnood, ayaa noqondoonta 67 xubnood.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip