Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Ayaa Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Hadal Ka Soo Yeedhay Maamulka Putland

0
Sunday June 28, 2020 - 14:51:21 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Ayaa Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Hadal Ka Soo Yeedhay Maamulka Putland

    Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mid kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo qeyb galidoonin shirka iskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya Julay.

 

"Mid kamid ah state-yada ayaa soo qoray hadii madaxweyne Farmaajo uu joojin waayo fadhiyada barlamaanka in aysan shirka imaandoonin, bal luuqadaas hala fasiro,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay barlamaanku inuu haysto shaqadiisa dastuuriga ah islamarkaana uusaan jirin awood madaxweyne Farmaajo ku joojin karo ama uu wax kaga bedeli karo fadhiyada guud ee golaha shacabka.

Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo aadaya, kadib markii dhawaan dowlad goboleedyada Puntland uu sheegay in uusan aqoonsanaandoonin sharciyada uu meel mariyay iyo kuwa hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip