
Somtel Oo Soo Bandhigtay Tartan Cusub Oo Lagu Kala Helayo Abaal Marino Qaali Ah + Sawirro
Shirkada Somtel ee hormoodka is-gaadhsiinta iyo tignoolijiyada casriga ah
, oo macaamiisheeda usoo bandhigtay abaalmarintii abid ugu
qaalisanayd ee gayiga soomaalida lagu bixiyo +SAWIRO

Haddaba shirkada Somtel oo looga bartay in ay macaamiishada ku soo
celiso faa’idadeeda qayb, marka kasta oo loo baahdona ka qayb qaadata
gargaarada deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee waxbarasho ama
caafimaad, ayaa hadda macaamiisheeda u soo bandhigtay 5kun oo
abaalmarinood, oo ay ka mid yihiin 10 gaadhi oo Hyundai ah oo cusub,
Mobilo, qasaalado, dahab, shidaal, lacag, akoon xisaabeed lacagii ku
jirto oo lagaga furayo bangiga Dahabshiil iyo sidoo kale in aad si
bilaash ah ku degto oo aad ku damaashaado Hotelka Damal.

Barnaaamijka oo maant la daahfuray ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u faro-badan oo danaynayay hadyadahan.
Waxaa sidoo kale halkaa ku sugnaa masuuliyiinta iyo madaxda Somtel,
Dahabshiil Bank, Shirkada Baabuurta ee Hyundai iyo Hotelka Damal.
Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay madaxa suuqgeynta shirkada
Somtel, Khadar Abdirahman oo faahfaahin ka bixiyay abaalmarinaha kala
duwan ee lagu guulaysanayo. (hadalka khadar)

Sidoo kale, Samir Dualeh, oo ka tirsan masuuliyiinta shirkada
Somtel ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay barnaamijkan, isaga oo
xusay in barnaamijkan ay ka qayb geli karaan dhamaan macaamiisha
shirkada ee gobolada dalka oo dhan.
Isaga oo sidoo kalena sheegay in abaalmarinta ay u dhacayso si
cadaaalad ah, shuruuda ku xidhana ay tahay in qofku isticmaalo adeegyada
ku hadalka, iyo internetka Somtel, iyo adeega eDahab – sidoo kale waxaa
barnaamijka ku guulaysan kara dhamaan tafaariiqlayaasha ama
resellers-ka iibiya adeegyada Somtel ee kala duwan. Samir Ducaale ayaa
sidoo kale u mahadnaqay, shirkadaha ka qayb qaatay barnaamijkan
abaamarinaha, gaar ahaan Dahabshiil Bank, Shirkada baabuurta Hyundai,
Damal Hotels iyo Shirkada Samsung.

Geesta kale, maamulaha shirkada baabuurta ee Hyundai Cawil Saalax
ayaa isaguna macaamiisha Somtel ee ku guulaysta baabuurtan uga war
bixiyay qiimaha iyo tayada baabuurtan. Sidoo kale Cawil ayaa
balan-qaaday in ay guulaystayaasha siin doonaan cilad saar bilaash ah.

Ugu dambayn, maamulaha Damal Hotels Saddo Mohamed Siciid ayaa
balanqaaday in macaamiisha Somtel ee ku guulaysata abaalmarinta Damal
Hotels ay si weyn u soo dhaweyn doonaan – ayna gacmo furan ku qaabili
doonaan – marka ay yimaadaan Damal Berbera ama Hargaysa.
Dhamaad.
Somtel Oo Soo Bandhigtay Tartan Cusub Oo Lagu Kala Helayo Abaal Marino Qaali Ah + Sawirro
Shirkada Somtel ee hormoodka is-gaadhsiinta iyo tignoolijiyada casriga ah