ABAABULKA MOOSHIN KA DHAN AH GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA GALMUDUG OO DHUUSAMAREEB KA BILOWDAY

0
Monday July 27, 2020 - 13:39:48 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ABAABULKA MOOSHIN KA DHAN AH GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA GALMUDUG OO DHUUSAMAREEB KA BILOWDAY

    Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda

Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday Abaabulka Mooshin xilka qaadis, oo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Maxamed Nuur Gacal.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, ayaa la sheegay in ay wadaan Abaabulka Mooshinkaas ,kadib markii ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen Qodoba dhawr ah, inkastoo uusan weli si rasmiya bannaanka ugu soo bixin Mooshinka.

Xildhibaannada, ayaa Guddoomiye Gacal ku eedaynaya in uu si qaldan u isticmaalay Awoodihiisa, islamarkaana xushmad la’aan u muujiyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Galmudug. Sidoo kale waxay ku eedaynayaan in uu lacag ka badan Saddex boqol oo kun oo Dollar ($300, 000 Dollar) ku Kharash-gareeyay Xafiiskiisa gaarka ah, xilli Xildhibaannadu ay mushahar la’aan yihiin mudda saddex bilood ah.

Balse, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Mooshinkaas uu salka ku hayo Arrima siyaasadeed, ayna dabada ka riixayso Villa Somalia, si meesha looga saaro Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo xiriir dhow la-lahaa Ra’iisul wasaare khayre.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip