Diyaaradda Turkish Airline oo deg deg ugu soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, cilad ku timid awgeed

0
Sunday August 30, 2020 - 18:51:30 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Turkish Airline oo deg deg ugu soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, cilad ku timid awgeed

    Diyaaradda Turkish Airlines ayaa si deg deg ah uga degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa si deg deg ah uga degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ee magaalada Muqdisho wax yar uun ka dib markii ay duushay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dowladda katirsan.

 

Diyaaradda oo siday in ka badan boqol rakaab ah ayaa dib ugu soo laabatay garoonka nus saac markii ay duushay.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaabkii oo diyaaradda ka soo degaysa iyadoo khalkhalsan kadib markii ay ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Soomaaliya.

Cilad farsamo oo sababtay in diyaaradda ay ku soo laabato garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaanan isla markiiba warbaahintu ogeyn, laakiin saraakiisha garoonka ayaa sheegay in duuliyaha uu lumiyay isgaarsiinta.

Maamulka garoonka ayaa sheegay in cilada farsamo la xaliyay duulimaadkiina uu dib u bilaaban doono saacadaha soo socda.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip