Xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo xeer ilaaliye cusub u magacaabay dilalka weriyayaasha

0
Wednesday September 09, 2020 - 14:52:30 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo xeer ilaaliye cusub u magacaabay dilalka weriyayaasha

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa magacaabay Xeer-Ilaaliye u gaar ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa magacaabay Xeer-Ilaaliye u gaar ah
 si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargeliyay dadweynaha Soomaaliyeed in qof kasta oo haya xog la xiriirta dilalka wariyaasha inay kusoo hagaajiyaan Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu xaqiijiyay in si adag loo dhowri doono talaabooyinka iyo hanaanka cadeymaha iyo marag furka la xiriirsan kiisaska dilalka iyo waxyeelaynta suxufiyiinta.

''Suxufiyiinta iyo shacabweynaha Soomaaliyeed waxaa uu Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u xaqiijinayaa in cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaataynta ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed,'' ayuu yiri xeer ilaaliyaha


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip