Maraykanka oo shaaciyay aqoonsiga sarkaal Al-shabaab katirsan oo lagu dilay duqayn

0
Wednesday September 09, 2020 - 14:53:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo shaaciyay aqoonsiga sarkaal Al-shabaab katirsan oo lagu dilay duqayn

    Saraakiisha Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey aqoonsiga hoggaamiyaha sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey aqoonsiga hoggaamiyaha sare ee oo katirsan Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn 25-kii Ogosto ka geysteen Soomaaliya.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ee la dilay oo lagu magacaabo Abdulqadir Commandos, ayaa lagu beegsaday duqeyn ka dhacday agagaarka Saakow.

Sarkalkaan ayaa xilal badan ka qabtay ururka Al-Shabaab.

"Howlgallada duqeyntan waxay muhiim u tahay hoos u dhigista awoodda ay u leeyihiin rabshadaha ka socda Soomaaliya iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika. oo sheegay inay sii wadayaan cadaadiska Al-shabaab.

Tan iyo bishii Jannaayo, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qabtay 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo shabakadda al-Shabaab.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip