Dowlada Federalka oo shaacisay xilliga uu dhacayo Shirka looga hadlayo arrimaha Doorashooyina

0
Wednesday September 09, 2020 - 15:06:51 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Federalka oo shaacisay xilliga uu dhacayo Shirka looga hadlayo arrimaha Doorashooyina

    Dowlada Federalka ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga la qabanayo u dhexeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Federalka ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga la qabanayo u dhexeeya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweyne-yaasha Dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.


Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaan lagu dhameystiri doono Shirkii Dhuusamareeb 3 ayna ka qayb galayaan dhamaan Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir uuna ka furmi doono maalinta Khamiista ee 10ka Bisha September.

"Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiis, 10ka Sebteembar shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Cabdinuur Maxamed Axmed.

Madaxweyne-yaasha Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maalinta berri shir uga furmi doono Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed kaas oo ay uga hadlayaan adkaynta qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeedda qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb3,waxa ayna kulamo la qaateen Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, gudoomiyaha Aqalka sare iyo ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip