Wasiirka Waxbarashada oo su'aalo laga weydiiyay Natiijada Imtxiaanka Dugsiyada Sare

0
Wednesday September 09, 2020 - 15:07:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada oo su'aalo laga weydiiyay Natiijada Imtxiaanka Dugsiyada Sare

    Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, arimaha bina'adannimada, warfaafinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, arimaha bina'adannimada, warfaafinta

 iyo dhaqanka ee golaha aqalka sare ayaa kulan xog wareysi la yeeshay siihayaha wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka.


Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha Aqalka eare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gudiga iyo sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa waxa ay qaateen kulan saacado socday, kaas oo looga hadlayey hawlqabadka wasaaradda.

Siihayaha wasiirka wasaarada waxbarashada XFS C/laahi goodax Barere ayaa sheegay in gudiga uu warbixn guud ka siiyay waxqabadka wasaarada waxbarashada, natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arimaha jaamacadaha Soomaaliya ka hawlgala.

Gudoomiyaha Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arimaha bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka BFS Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa wasiirka uga mahadceliyey warbixinta guud ee uu ka siiyay waxbarashada dalka, islamarkaana gudiga hawlaha uu u xilsaaranyahay ay ka mid tahay inay wasaaradaha hawlahooda kormeeraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip