Axmed Qoorqoor oo kala hadlay Beesha Caalamka dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3

0
Thursday September 10, 2020 - 14:56:39 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Qoorqoor oo kala hadlay Beesha Caalamka dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye

ayaa ku adkeeyay Wakiilada Beesha Caalamka sidii loo dhameystiri lahaa Heshiiskii Dhuusamareeb 3.


Kulan shalay uu la qaatay Wakiilada beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya sida Ergeyga Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii doorashada 2020/2021 ay waqtigeeda ku dhici laheyn, isla markaana ay u noqon laheyd doorasho la isla ogol yahay.

Sidoo kale waxaa uu Qoorqoor u sheegay Beesha Caalamka sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee Dhuusamareeb 3 lagu gaaray.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ku yeelanaya shir looga hadlayo hannaanka doorashada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip