Shirkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo la filayo inuu maanta Muqdisho ka furmo

0
Thursday September 10, 2020 - 15:08:40 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo la filayo inuu maanta Muqdisho ka furmo

    Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada
ayaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka furmo, iyadoo shalay galab magaalada Muqdisho soo gaareen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan ku casuumay dowlad goboleedyada, iyadoo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro arrimaha doorashooyinka, oo ay weli tabasho ka qabaan qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowlad goboleedyada dhexdooda ay hawada isku mariyeen hadalo xanaf leh oo muujinaya in dhexdooda ay ku kala duwan yihiin habka loo wajahayo doorashada Soomaaliya.

Shirarkii hore ee Dhuusomareeb, dowlad goboleedyada ayaa u muuqday kuwo isfahansan, hase yeeshee shirkii ugu dambeeyay ee heshiiska lagu gaaray, ayaa lagu kala tagay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip