Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta xilka kala wareegaya sii hayaha raysal wasaaraha Mahdi Guuleed

0
Sunday September 27, 2020 - 13:45:38 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta xilka kala wareegaya sii hayaha raysal wasaaraha Mahdi Guuleed

    Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka kala wareegaya Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkaan si kulmeel gaar ah u hayay tan iyo markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

 

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli raysal wasaarihii hore uu qoraal uu usoo diray raysal wasaaraha cusub ku sheegay in uu isaga xilka ku wareejindoono ayna tahay arin dastuuri ah oo qeyb ka ah haykalka dowladnimada

Kheyre ayaa sheegay inuu raysal wasaaraha ku wareejinayo xogta muddadii uu raysal wasaaraha ahaa, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in madaxtooyada Soomaaliya ay diiday in Kheyre uu sameeyo xilka wareejin.

Dhammaan raysal wasaarayaashii barlamaanku rideen ma dhicin in loo diido in ay xilka wareejiyaan, raysal wasaare kheyre wuxuu ahaandoonaa raysal wasaarihii ugu horeeyay ee loo diido inuu xilka wareejiyo.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip