Madaxweyne Farmaajo oo qirtay inuu ka gaabiyay wada hadalada Somaliland

0
Sunday September 27, 2020 - 13:47:32 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo qirtay inuu ka gaabiyay wada hadalada Somaliland

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii
ugu horeysay qirtay in ay dowladdiisa ka gaabisay wadahadalka lagu jiro Somaliland kadib markii ay baaqdeen kulamadii lagu ballansanaa dalka Jabuuti.

Tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa halmar sanadkaan bartamihiisa ku kulmay dalka Jabuuti.

"Waxaan qiranayaa in aan ka gaabinay wadahadalada Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo hadalkaan ka yiri kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sababeeyay arrintaan, in dowladdiisu ay gashay marxalad doorasho iyo buuq siyaasadeed oo ku kalifay inay hoos u dhigto wada xaajoodka Somaliland inta laga baxayo geeddi socodka doorashada.

"Way iga go’an tahay inaan daacad ka ahaado wadahadalka Somaliland, ma ahan wax doorasho lagu gali karo. Waa masiir Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wada hadaladu ay sii socondoonaan.

Wada xaajoodka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bilowday muddo hadda laga joogo dhowr sano, laakiin dowlad kasta waxay ka tagtaa iyadoo aan meel fiican ka gaarin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip