Al-shabaab oo dardar galin ku wada soo saarista salaadiin dhaqan oo cusub

0
Monday October 05, 2020 - 18:44:33 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo dardar galin ku wada soo saarista salaadiin dhaqan oo cusub

    Ururka Al-shabaab ayaa dardar galin ku wada soo saarista salaadiinta dhaqanka goobaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al-shabaab ayaa dardar galin ku wada soo saarista salaadiinta dhaqanka goobaha
ay gacanta ku hayaan ee qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Al-shabaab waxay hadda shaaciyeen suldaan cusub oo ay sheegeen inuu yahay suldaanka beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka, iyagoo maalmo kahorna shaaciyay suldaanka beesha Mudulood ee Jubbooyinka.

 

Si lamid ah, Al-shabaab waxay horey gobolada dhexe ee Soomaaliya uga shaaciyeen salaadiin cusub oo ay sheegeen inay metalaan qabaa’ilada dhulkaas degen ee ku hoos ku nool xukunkooda.

Dhammaan shakhsiyaadka Al-shabab caleemo saareen waxay ka siman yihiin astaan ah inay garab ku sitaan qori AK.47, iyagoo ula jeeda inay Al-shabaab ku taageersan yihiin dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya.

Suldaan cusub ee hadda la caleemo saaray waxay Al-shabaab ku wareejiyeen qori AK.47, booshkiisa, bistoolad iyo kitaab qur’aan ah.

Sarkaal katirsan Al-shabaab ayaa sheegay inuu jiro go’aan horey loo qaatay oo ku saabsan in la bedelo salaadiinta, si loo dardar galiyo qabaa’ilada, waxaana sharuudaha Suldaanka lagusoo xulayo kamid ah inuu yaqaano hubka.

Sarkaalkaan oo ka hadlayay goobta caleemo saarka wuxuu sheegay in ay jiraan salaadiin dhaqan oo qaarna ay ku dhinteen dagaalada Al-shabaab halka qaar kalena lagu dilay duqeymaha diyaaradaha Droneska Maraykanka.

Xilli ay Soomaaliya u diyaar garoobayso doorashooyin, ayaa salaadiinta dhaqanka waxay yihiin dadka ay ka imaanayaan ergooyinka xildhibaanada dooranaya, dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa isha ku haya in Al-shabaab saameyn ku yeelato xulida xildhibaanada soo socda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip