Baarlamaanka Itoobya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go'aan xukuumadda federaal ka ah

0
Wednesday October 07, 2020 - 18:12:19 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Itoobya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go'aan xukuumadda federaal ka ah

    Baarlamaanka Itoobya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go'aan xukuumadda federaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Itoobya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go'aan xukuumadda federaal
ka ah ka mamnuucaya in ay wax xidhiidh ama wadashaqayn ah la yeelato baarlamaanka iyo madaxda siyaasadda ee dawlad deegaanka Tigreega.
Arrintan ayaa daba socota go'aankii dhowaan ay dawlad deegaanka Tigrey ku diiday inay u hoggaansanto dib u dhigista doorashooyinka ee xukuumadda dhexe qaadatay Coronavirus awgii.
Tigrey waxa ay qabsatay doorashadii dib loo dhigay xukuumadda dhexena way diidday in ay natiijada aqoonsato.
Go'aanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu sii fogeyn doono dillaaca ku jira xidhiidha labada dhinac.
Inkasta oo Tigreegu uu in ka badan 25 sano gacan bir ah ku maamulayey Itoobiya haddana tan iyo 2018 kii markii xukunka uu yimi Abey Axmed oo qawmiyadda Oramada ka soo jeeda, waxa ay Tgreegu muujiyeen didmo badan waxaana laba dhinac u bilowday xidhiidh xumo khatar ku ah midnimada dalka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip