
Raysal Wasaare Rooble Oo La Kulmay Safiirada Wadamada Nordic – SAWIRO
Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble
ayaa maanta la kulmay Safiirada Wadamada Nordic u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha.
Raysal Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey taageerada Soomaaliya ay siiyaan safiiradda wadamada Nordic.
Raysal Wasaare Rooble Oo La Kulmay Safiirada Wadamada Nordic – SAWIRO
Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble