Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal

0
Thursday November 05, 2020 - 16:44:37 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal

    Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa siweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa siweyn

 uga soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal oo ay dowladdu ku dhawaaqday isaga oo eedeyn u jeediyay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

Cabdi Xaanshi ayaa ku eedeeyay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble in uu ka taggay xubnihii gobollada Waqooyi ee loo gudbiyay

''Waxaan cadey-neynaa in haddii ay ku jiraan liiska uu soo saaray Ra'iisal Wasaaaha xubno metelaya deegaan doorashooyinkeyga (Dir Waqooyi) in aysan aheyn kuwo aan annagu ka warqabo'' ayuu yiri Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha Gobollada Waqooyi ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare qalqalgalin siyaasadeed iyaga oo sheegay in uusan matalin sida ay hadalka u dhiggeen kuraasta Gobollada Waqooyi.

Dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku taageeray Guddoomiyaha Aqalka Sare doodiisa ku saabsan in uu xaq u leeyahay soo magacaabista Guddiga doorashada xubnaha Dowladda ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip