Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Maraykanka

0
Sunday November 08, 2020 - 13:57:18 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Maraykanka

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub  ee loo doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Qoraal kooban oo madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay bartiisa twitterka, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay u rajeyneyso madaxweynaha cusub inuu ku guuleysato dadaalladaadiisa.

"Waxaan ka rajeyneynaa iskaashi dhow. Maraykanka wuxuu xulafo adag iyo bah wadaag la yahay Soomaaliya iyo horumarkeeda,” ayuu madaxweynaha ku yiri qoraalkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka filaysa isbedelka cusub ka dhacay Maraykanka inuu wax ka bedelo arrimo badan oo ay kamid tahay inuu Maraykanku xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay walwal ka qabtay qorshayaal uu damacsanaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasoo doonayay inuu joojiyo taageerada milatari ee Maraykanku siiyo Soomaaliya.

Afartii sano ee uu xilka hayay Trump wuxuu Soomaaliya iyo dalal kale oo muslim ah ka mamnuucay inay dalkiisa u safraan.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip