
➡️Ayax cusub oo raxan raxan u socda ayaa ku habsaday oo Ku Habsaday deegaano Ka tirsan Galmudug
➡️Ayax cusub oo raxan raxan u socda ayaa ku habsaday
dhul ballaaran oo ku yaalla deegaannada Galmudug kaas oo dhibaato ba’an gaarsiiyay beerihii iyo daaqsinkii deegaanka.
Deegaannada lagu arkay Ayaxa cusub waxaa ka mid ah Gaalkacyo, Cadaado iyo Caabudwaaq wuxuuna ka soo gudbay Puntaland.
Anyaxan ayaa waxaa horay uga cabanayay dadka reer guuraga ah ee Gobalada Waqooyi ilaa gobalada dhexe balse hada waxa usoo gudbay Gobolada Koofurta soomaliya.
Degmada Wala-weyn oo katirsan gobalka Sh.hoose iyo deegano badan oo hoos yimaada Waxaa Maalamihii Lasoo Dhaafey lagu arkay Anyax farabadan oo xaalufin ku haya Beeraha iyo dhul Daaqsimedka deganka .
• Sidoo Kale Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Baay, Sida, Oore Towfiiq iyo kuwa kale oo hoos yimaada degmada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay Ayaa Loogu Arkey.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ayaxa cusub uu durba baabi’iyay dhul-daaqsimeed iyo beero faro badan inkastoo wali qiimeyntu socoto.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dawladda oo kaashanaysa hay`adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ay muddaba ku hawlanaayeen buufinta deegaannada ayaxu ku dagay iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gawaarida gaashaaman.
Ayaxa cusub oo Soomaaliya ka soo galay xeebaha dalka Yeman ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidiya gobollo cusub isagoo qaarkii u gudbay dallalka deriska la ah Soomaaliya.
Ururka Hormarinta Deeaanka Ee #DEDO waxa uu Bulshada ku dhaqan deegaanada Konfur Galbeed soomaaliya ugu baaqayaa in ay fijiganaada mar waliba, waayo ayaxu waa mid si xowli ah u baahayaa oo malin waliba meel cusub Tagaayo.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Konfur Galbeed waxan la wadageynaa in ay doorkeeda ka qaadato ayaxan cusub oo dib u soo laabtey
Soomaaliya oo awalba cunna yari baahsan la daalaa dhacaysay ayaa ayaxan cusub wuxuu uga sii dari karaa Saameyn kale!!!
Leave a comment
Social Media
Related Items
Laba Garyaqaan Oo Ka Shaqayn Jiray Somaliland Ayaa Shaqadii Joojiyeu Sabab La Xidhiidha Sharciga
08/03/2021 - 10:48:49Bangiga East Africa Bank Iyo Dahabshiil Ayaa Ka Qayb Qaatay Maalgalinta Tartanka Orodka Jabuuti
07/03/2021 - 20:48:47Midawga Murashixiinta Oo Shaaciyay Inay Wada Hadal La Furayaan Xukuumadda Somaliya
07/03/2021 - 20:46:47Jubaland iyo Puntland ayaa shurduudo ku xidhay Shirkii uu M.Farmaajo Ku baaqay.
04/03/2021 - 22:15:50Gudd. Xisbiga Waddani ayaa xadhiga ka jaray Xafiisyo cusub oo Xisbigaasi ka furtay M. Gabiley.
04/03/2021 - 22:14:23Gudoomiye Faysal Ayaa Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye Ku Tilmaamay Xisbiyo Qabyaaladeed
03/03/2021 - 17:34:53Mayerka Casimada Oo Hadal Dhaxalgala Ka Jeediyey Xil-wareejinta Xoghaya Cusub Ee Degmada Hargiesa
28/02/2021 - 18:06:40Rag Kulmiye Ka Tirsan Ayaa Beeshayada Ucid iyo Waddani Gaynaya Gudoomiye Xinif
27/02/2021 - 20:37:43 Most Popular Items
➡️Ayax cusub oo raxan raxan u socda ayaa ku habsaday oo Ku Habsaday deegaano Ka tirsan Galmudug
➡️Ayax cusub oo raxan raxan u socda ayaa ku habsaday