Deegaan Ka tirsan shabeelaha Hoose ayaa lagu Dilay Hooyo iyo Laba caruur oo ay Dhashay

0
Monday November 09, 2020 - 11:56:23 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaan Ka tirsan shabeelaha Hoose ayaa lagu Dilay Hooyo iyo Laba caruur oo ay Dhashay

    Wararka ka imanaya degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha
 Dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Fillo –dheer ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ku dileen hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.

Hooyada geeriyootay ayaa la sheegay in ay Umul kula jirtay Ilmo yar oo ay dhashay waxaa sidoo kale lala dilay Ilmo kale oo saddex sano jir ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay sida ay dadka deegaanku sheegeen haweeney isla qoyska ka mid aheyd in wiil shan sano jir ah.

Falkan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka oo sheegay in dhacdadan ay salku heysno Aano Qabiil, iyadoo bartamihii bishii September deegaanka Raagga Ceel isla gobolka Shabeellaha Dhexe rag hubeysan ku dileen Lix Qof oo dhamaantood culimo ah kuwaa oo ku sugnaa goob Qur’aan Akhris.

Wali ma jiro wax war ah oo ay maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ka soo saareen dadka rayidka ah ee lagu dilay degmada Warshiiq

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip