
Xisbiga Waddani Ayaa Abaalmarino Kala Duwan Ku maamuusay Xulka Daad Madheedh
Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Maanta Munaasibad Hadhimo Sharafeed
Ah Ku Maamuusay Xulka Kubadda Cagta Gobolka Daadmadheedh Ee Ku Guulaystay Koobka Horyaaka Gobollada Somaliland.
Hoggaanka Xisbiga Ayaa Billado Guddoonsiiyay Tababaraha Xulka Daadmadheedh, Tababare Xigeenka, Ciyaaryahan Axmed Carabo Oo Gool Dhalinta Qaaday, Isu duwaha Ciyaaraha Ee Daadmadheedh iyo Weriyaha Da'da Yar Ee Ciise Tooni Oo Daadihinayay Ciyaarihii Gobollada Ee Kubadda Cagta.
Hoggaanka Xisbiga Waddani Ayaa Sidoo Kale Kooxda iyo Ciyaartoyga Kula Dardaarmay in Ay Halkaa Ka Sii Hayaan Dedaalkooda, isla Markaana Ku Dhiirigeliyey in Ay isku Duubnaadaan.
Xisbiga Waddani Ayaa Abaalmarino Kala Duwan Ku maamuusay Xulka Daad Madheedh
Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Maanta Munaasibad Hadhimo Sharafeed