Maleeshiyada Degaanka Bacaadweyne oo Al-shabaabtii ugu badnaa ku laysay Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey.

0
Monday November 30, 2020 - 18:20:40 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyada Degaanka Bacaadweyne oo Al-shabaabtii ugu badnaa ku laysay Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey.

    Maleeshiyada Degaanka Bacaadweyne oo Al-shabaabtii ugu badnaa ku laysay Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyada Degaanka Bacaadweyne oo Al-shabaabtii ugu badnaa ku laysay Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal gelinkii hore ee maanta o dhan socday oo degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ku dhex maray Alshabaab oo dhinac ah, ciidamada dowladda iyo maleeshiyada dageenka oo dhinac ah.
Dagaalka oo muddo socday, islamarkaana ku billowday qaraxyo ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan inta badan magaalada iyo saldhiggii ay daganaayeen ciidamada 21-aad ee xoogga dalka.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay 4 gaari oo kuwa dagaalka ah oo laba kamid ah ay saarnaayeen qoriga suugga.
Maleeshiyada degaanka oo dib isu abaabulay ayaa weerar rogaal celin ah dhowr jiho uga qaaday maleeshiyada Al-Shabaab, waxayna dib u qabsadeen magaalada Bacaadweyne, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare culus oo dhinacyada kala gaaray.
Dagaalkii labaad ee rogaal celin ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 25 ka tirsan Al-shabaab-kii weerarka soo qaaday, waxaana dadka deegaanka u suurtagashay inay dib usoo celshaan laba kamid ah gawaaridii ay Maleeshiyada Al-shabaab weerarkii koowaad ku qabsatay.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa weerarka ay aroortii hore soo qaaday ku dishay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa gudaha saldhigga 21-aad, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen in 4 kamid ah 6-da askari ee la dilay la gowracay.
Waxaa hadda dagan xaaladda magaalada Bacaadweyne, waxaana goobihii lagu dagaalamay dib u qabsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan gudaha Magaalada.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip