Somaliya Ayaa War Ka Soo Saartay Saraakiil Lagu Laayey Deegaanada Galmudug

0
Thursday December 10, 2020 - 17:52:56 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Ayaa War Ka Soo Saartay Saraakiil Lagu Laayey Deegaanada Galmudug

    Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shire

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shire

 Falagle oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku dhinteen weerarkan oo dhacay galinkii danbe ee shalay.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaad ilaa iyo hadda aan la garan weerarkan geysteen, kaddib markii ay dhabaha u galleen gaadiid ay la socdeen saraakiisha.

Dowladda Soomaliya ayaa dhinaceeda xaqijisay warka ku saabsan dhimashada saraakiishan oo meydkooda la geeyay degmada Ballanbale.

Waxaa soconaya baaritaan ay wadaan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira hubinta sida ay wax u dhaceen iyo sababta maleeshiyada u beegsadeen saraakiishan oo ka tirsanaa qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in arintani salka ku heyso aano Qabiil iyo dagaalo hore deegaanka uga dhacay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip