Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo Baxay Dalka jabuuti

0
Wednesday December 23, 2020 - 09:21:07 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo Baxay Dalka jabuuti

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo Baxay Dalka jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo Baxay Dalka jabuuti


Hargeysa:23/12/2020()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambo baxay  dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal iyo danaha ka dhexeeya  Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip