Baarlamaanka Hirshabeelle oo muddo xilkeedka maamulka ka dhigey 5 sano

0
Wednesday December 23, 2020 - 19:24:43 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Hirshabeelle oo muddo xilkeedka maamulka ka dhigey 5 sano

    Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

 ayaa isku raacay muddada xil heynta maamulka in ay noqoto 5 sano kaddib fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar.

Fadhiga Baarlamaaanka waxaa soo xaadiray 70 xildhibaan waxaa aqbalay muddo xilkeedka 66 xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaanna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, taasoo ka dhigeysa in maamulka Hirshabeelle uu sii shaqeyn doono shanta sano ee soo socta.

Sababta loo kordhiyay muddo xilkeedka maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in la kala waaciyo doorashada heer Qaran iyo tan dowlad gobolleedka oo mar walba isku soo beeganta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip