Fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

0
Thursday December 24, 2020 - 10:10:24 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

    Waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan

 oo waayadii ugu danbeeyay lagu waramayo in uu dalkaasi ku xanuusanayay.

Fannaanka ayaa lagu waramayaa in uu toddobaadyadii ugu danbeeyayba ku xannuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Mainz ee Jarmalka isaga oo ku jiray xaalad miir dabool ah.

Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii Hobalada Waabari isaga oo ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan siweyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen.

Sidoo kale waxaa uu ahaa mulaxan, waxaa uu ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana uu ku biirey fanka Soomaaliyeed sanadkii 1965tii.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan oo siweyn loogu xasuusto heestii ''Midab Gumeysi Diida'' iyo qaar kaloo badan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip