Dawladda Soomaaliya Oo Sheegatay Inay Dishay Horjoogeyaal Katirsan Kooxda Al-Shabaab.

0
Saturday January 30, 2021 - 18:37:22 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Soomaaliya Oo Sheegatay Inay Dishay Horjoogeyaal Katirsan Kooxda Al-Shabaab.

    Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay


 in wasaaradda amniga maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ay xaqiijisay hawl-gal duqayn ahaa kaasi oo laga fuliyay deeganka Ma’moodow oo qiyaastii 40 Km waqooyi kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool lagu dilay horjoogeyaal katirsan kooxda Al-shabaab.

Waxay sheegtay warbaahinta dawladda Soomaaliya, in kooxdani ay dhibaataynayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana faahfaahin lagama bixin sida ay u dhacday duqayntaasi.

Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadood iska kaashanayaan cidhib-tirka kooxda Al-shabaab, welina ma jiraan illaa haatan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku beeninayso amaba ku qiranayso jiritaanka wararkaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip