Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb oo Qarax miino lagu dilay

0
Sunday February 07, 2021 - 18:03:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii ciidanka Nabadsugida degmada Dhuusa-Mareeb oo Qarax miino lagu dilay

    Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee dowlad gobolleedka Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee dowlad gobolleedka Galmudug

 ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon kaddib markii gaari uu la socday lagu bartilmaameedsaday qaraxa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in taliyaha iyo ilaalo la soctay lagu bartilmaameedsaday xili ay marayeen meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in qaraxan ay sidoo kale ku dhinteen ilaa 14 ruux oo ciidamo ah ay ku dhinteen .

Qaraxa kaddib ayaa deegaanka Ceeldheer lagu waramayaa in uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dagaalka ka qarxay deegaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip